Somaliland: Xildhibaan (Waabeeyo) Oo Ka Hadlay Xadhiga Sharci Darada Ah Ee Wariye Muniir

Date:

Guddoomiye ku-xigeenkii hore xisbiga KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeyo) ayaa ka hadlay xadhiga sharci darada ah ee guddoomiyaha wargeyska iyo shabakadda Somalilandtoday Suxufi Muniir Axmed Cigaal oo habeenkii labaad u hayday saldhiga Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeyo) oo khadka taleefanka ugu waramayay Shabakadda Somalilandtoday ayaa yidhi “Sida ay ii xaqiijiyeen masuuliyiin iyo dad shacab ah oo meesha Ku sugnaa ninkaas suxufiga ah ee Muniir Axmed Cigaal waxaa loo qabtay sifo sharciga baalmarsan markaa taasi waxay ina tusaysaa in wali La taagan yahay heerkik dadka La iska xidhi jiray qofka suxufiga ah iyo qofka kale ee shacabka ahba waliba sida ay booliska iyo goobjoogayaashii kaleba xaqiijiyeen inay amaradaasi ka yimaadeen meelo qalloocan oo aan waafaqsanayn sharciga markaa anigu waxaan inay arrintaasi tahay arrin khalad ah markaa waxaan ugu baaqayaa cidii suxufigaas xadhigiisa ka dambaysay iyo Xukuumadaba inay suxufiga xorriyadiisii u soo celiyaan oo loo soo maro wariyayaasha habka uu qeexayo xeerka saxaafaddu suxufigana ay xoriyadisi u soo celiyaan xukuumaduna ay arrinkaas ka waantawdo.”

 

Xildhiban Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeyo) oo ka hadlay wararka sheegaya in la amray Inaan cidi booqan karin suxufiga ayaa waxa uu yidhi: “Waa arrin kale oo sii culaysinaya sharciga Baal maristiisa oo aniga laftayda waa La ii xaqiijiey inay jiraan masuuliyiin loo diidey inay u galaan waxaanay sii xoojinaysaa baalmarista shuruucdii iyo qawaaniintii aynu dhiganay, mida kale hadaan dib ugu noqdo suxuigani wuxuu ahaa nin ka shaqeeyaa Tvga qaranka oo Xukuumadda taageerada in badan ka shaqeeyay markaa ma in si fudud La isaga xidhaa waxay muujinaysa abaal la’aan ama abaal ka dhac ah” .

Sidoo kale Xildhibaanka Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed oo waanu wax ka waydiinay sida uu u arko in shakhsiyaad Golaha wasiirada ka tirsani ay hor istaageen in damaanad lagu sii daayo suxufiga waxaana uu Xildhibaanku sheegay inay taasi u muuqato aqoon darro waxaana uu yidhi Xildhibaanku ” Horta damaanadda wada bixisa maxkamad, maxkamduna waxay ka tirsan tahay garsoorka oo Xukuumadda ka madax banan sida uu qarankeenani u dhisan yahay markaa inuu Wasiir damaanadii diidaa waxay meel kadhac Ku tahay shaqadii garsoorka waxaan ay marka hore khalad Ku tahay qofka farogaliyey marka labaadna uu La qabo dee masuulka garsoorka ah ee aqbalay waa haddii ay jirto arrintaasiye oo baalmarsan sharciga (rule of law) dunuubta xadhiga keentaana waa dunuub kooban oo La yaqaano markaa runtii ma gayo umana qalmo in suxufigaas sidaas loola dhaqmo” ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye

Ugu dambayn Xildhibaanka Waabeeye ayaa ka hadlay awoodda dawladnimo iyo sida ay tahay in loo isticmaalo “Dunuubta uu masuulku Ku kaco ee sharciga baalmarsan haddii La cadeeyo waxaa ka dhalan karta ciqaab amma uu awoodda Ku takrifalo laakiin dee cidda fulin lahayd ayaa ah garsoorka anaguna ka good wakiilo ayaan dee waanu samaynaa shuruucda inay doontana ha qaadatee qofka awoodda dawladnimo ku tagri falo maalin uunba la qabanaya” sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...
Guddoomiye ku-xigeenkii hore xisbiga KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeyo) ayaa ka hadlay xadhiga sharci darada ah ee guddoomiyaha wargeyska iyo shabakadda Somalilandtoday Suxufi Muniir Axmed Cigaal oo habeenkii labaad u hayday saldhiga Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa. Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeyo) oo...Somaliland: Xildhibaan (Waabeeyo) Oo Ka Hadlay Xadhiga Sharci Darada Ah Ee Wariye Muniir