Wasiirka wasarada arrimaha dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa ka hor yimid digniinaha inta badan dowladdaha reer galbeedka u jeediyaan muwaadiniintooda ee la xidhiidha khatarta amni oo ka jirta Somaliland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Wasiirka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi ‘’Wasaarrada arrimaha dibada Ingariiska iyo tan Mareykanka had iyo jeer waxaa ay soo saaraan tallo ay u jeedinayaan shacabkooda taa oo la xiriirta marba xaalad sida ay tahay caalamka oo dhan oo ay Somaaliland –na ka mid tahay, ‘’ayuu yidhi wasiirka.
Sacad Cali Shire ayaa intaa ku daray tallooyinka la xidhiidha dhinaca amniga oo ay saaraan wadamada reer galbeedka aheyn kuwo cusub balse taa badalkeeda muddo dheerba ay soo jirtay, isaga oo intaa raaciyay in marka laga hadlayo amniga reer galbeedku si isku mid ah uga hadlaan Soomaaliya iyo Somaliland “’Marka laga hadlayo xaaladaha amniga waa leysku qaadaa wadankii leysku oran jiray Soomaaliya, waxaa laga reebaa oo kaliya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera , talladaasina runtii mid annaga nagu haboon ma’aha “ Sidaa ayuu yidhi wasiirka.
Waxaa uu sheegay in marka la eego xaalada nabad-galyo ee ka jirta Soomaaliland tahay mid wax badan ka duwan tan ka taagan Soomaaliya inteeda kale, isaga oo arin cadaalad darro ah ku tilmaamay in amniga Soomaaliya iyo kan Soomaaliland leysku xiro.
Wasiirka ayuu ugu danbeyntii sheegay in ay ka rajeynayaan caalamka rajeynayaan in la saxo qaladaadka ka imanaya digniinaha ka soo baxa wadamada reer galbeedka oo Ingariisku ka mid yahay.