Waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana soconaya qabanqaabada dibadbax lagu taageerayo wax qabadkii boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo iyo guud ahaan dowladda federaalka
Diyaar garowga iyo abaabulka dibadbaxa ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay magaalada Muqdisho, kaasoo uu waday Maamulka Gobolka Banaadir.
Dadweyne fara badan oo ay ku jiraan haween ayaa basas looga soo qaadayaa xarumaha degmooyinka, iyadoo dibadbaxa lagu wado in la soo gabagabeeyo gelinka hore maanta, maadaama ay xilli Ramadaan tahay.
Madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa ka qeyb galaya banaan baxa, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu khudbadiisa u horeeyay oo fagaare shacabka ugu jeedin doono, taasoo dad badan ay u dhega taagayaan.