Somaliland: Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Oo Qaraar Ka Soo Saartay Dacwad U Dhaxaysa Ganacsadaha Shirkadda Al-Xarbi Iyo Muwaadinad Hibaaq C. Koosaar

Date:

Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ayaa shaacisay inay awood u leedahay ka garnaqa dacwad u dhaxaysa ganacsadaha shirkada Al Xarbi iyo muwaadinada Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar.
Dacwadan oo ay maxkamada u gudbisay muwaadinada Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar ayaa ku saabsan waddooyin ay ku eedaynayso inuu ganacsadahani xidhay, kuwaas oo hareeraha ka marayey xarumihii laga iibiyey ganacsadaha shirkada Al Xarbi ee ay ku yaaleen Library-gii Gandhi iyo Boostii.
Muwaadinada Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar ayaa warbaahinta u soo bandhigtay jawaab ka heshay ganacsadaha shirkada Al Xarbi ka dib markii ay ka codsatay inaanu xidhin waddooyinka waxaanay tidhi “Xaafadahan waxaan ku leeyahay guri ka dambeeya dhulka laga iibiyey ganacsadaha shirkada Al Xarbi, Anigu cagahayga ayaan ugu tagay ganacsadaha Ina Faarax Xarbi waxaanan ku idhi haddii laguu xidhay labadii wado ee hawd-ka ka imanayey, waddadan saldhiga dhexe idiin dhaxaysa hanaga xidhin, waxaanu iigu jawaabay gabadh yahay wax wado ah oo aan kuu hayaa ma jirto.”
Dhinaca kale Axmed Faarax Xarbi oo wakiil ka ah shirkada Al-Xarbi ayaa mar uu la hadlayey warbaahinta waxa uu sheegay inaanay jirin waddooyin uu damacsan yahay inuu xidho waxaanu yidhi “Waxaan halka ka cadaynayaa inaanay jirin wado ay xidhayso shirkada Al-Xarbi ama dhisanaysaa, warkaasna waxba kama jiraan.”
Ganacsadaha shirkada Al-Xarbi ayaan hadalkaas kaga dhabayn, waxaanu xidhay wadooyinkii dhinacyada ka marayey dhismayaashii laga iibiyey, waxaanu baneeyey wado hal mitir iyo badh ah oo u dhaxaysa dhismihiisa iyo dhismaha saldhiga dhexe ee Hargeysa, halka dhismaha muwaadinada Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar iyo dhismaha shirkaduna ay isku jiraan hal mitir iyo shanyo labaatan santi, waxaanu ganacsadahani ku dooday in cidii dacwad ka qabta ay tagi karaan hay’addaha garsoorka waxaanu mar kale yidhi “Cidii dacwad naga qabtaa hay’addo dawladeed ayaa jira ee ha geeyaan miiskooda wixii aanu ku gar daranahayna hanala qabto, cidii wax sheeganaysaana ha gayso halka ay leedahay, maxkamada ayaa jirta, boolis ayaa jira, dawladii hoose-na way jirtaa.”
Muwaadinada Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar ayaa sifo sharci ah dacwad ugu gudbisay maxkamada gobolka Maroodi jeex taas oo ku doodaysa inuu ganacsadaha shirkada Al Xarbi xidhay wadooyin muhiim ah, balse ganacsadaha ayaa ku dooday inaanay maxkamadu awood u lahayn inay qaado dacwada loo haysto, taas oo keentay inay maxkamadu soo saarto qaraar u dhignaa sidan “Maxkamada gobolka maroodijeex Hargeysa waxay qaraarisay in dacwada sumadeedu tahay MGH/DML/134/2017 ay si sharci ah uga diwaan gashan tahay maxkamada gobolka Maroodijeex, taasoo maxkamada gobolku awood u leedahay inay ka garsoorto,kana soo saarto go,aan ku dhisan xaqiiqda sharci iyo mid cadaaladeedba, Qaraarka maxkamada ayaa soo baxay 23/05/2017.”
Ganacsadaha shirkada Al Xarbi ayaa racfaan ka qaatay qaraarka ay soo saartay maxkamada gobolka Maroodi Jeex kaas oo wali ku doodaya inaanay maxkamadu awood u lahayn inay ka gar naqdo dacwada loo haysto.
Dhinaca kale dadweynaha ku nool xaafada uu wadooyinka ka xidhay ayaa dareen taban ka muujiyey dhismayaasha uu ganacsadahani ku xidhan wadooyinkii ay mudada dheer isticmaalaayeen, waxaanay ku doodeen inaanay hada haysan wax wado ah oo ay uga soo gali karaan baabuurta dab-damiska haddii ay gurmad uga baahdaan isla markaana laga saari karo mayd haddii ay geeri ku timaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...