Somaliland: Golaha Deegaanka Burco Oo Si Weyn Ugu Mahadnaqay Hay’adda Bisha Cas, Canaan Iyo Weerarna Ku Qaaday Wasiirka Caafimaadka Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye

“Hadaanu Nahay Xildhibaanadii Gobolka Togdheer, Wasiirka Caafimaadku Gobolka Togdheer Wuu Hagraday, Dalxiis Ayuu Ku Yimid Oo Uu Noqday”.Bidhi

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Magalaada Burco ayaa faah faahin ka bixiyay Kulan deg deg ah oo golaha uu ka tirsan yahay ay ka yeesheen Cudurka Shuban biyoodka oo faro baas ku haya Shacabka reer Burco, islamarkaana laga soo sheegayo dad door ah oo durba u dhintay,waxa kale oo uu Mahadnaq balaadhan u jeediyay Hay’adda Bisha Cas ee Somaliland oo uu sheegay inay si gaar ah ugu soo gurmatay Shacabka Reer Burco oo ay la tacaalayso wax ka qabashada Cudurka Shuban biyoodka,waxa kale oo uu eedo Culus ku ganay Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye),waxa uu sheegay inuu Wasiirkaasi gabay shaqadii uu qaranka u hayay islamarkanaa uu dalxiis ku yimid Burco,kana soo laabtay.
Xildhiban Bidhi warhaahinta Burco la hadlay Shalay ayaa waxa u hadalkiisa ku bilaabay sidan“Degmo ahaan Cidii wax nala qabatay hadaanaan u mahad niqi wayno waxaanu noqonnaynaa Dad aan fiicnayn,Waxaanu u mahadnaqaynaa Marka hore Ururka Bisha cas,oo si fiican runtii noola shaqeeyay,oo aan umalaynayo inay muddo saddex bilood ah inala shaqayn doonaan,oo aad u jooga magaalada Burco,oo wax badan nala qabtay,oo gaadiidkoodii iyo Hawlwadeenadoodii joogaan waanu runtii u mahadnaqaynaa,Waxa kale oo aanu mahadnaqaynaa Isu-duwaha Wasaarada Caafimaadka Gobolka iyo Tiimkiiisa oo runtii Shaqo badan qabtay,oo wax ay awoodaan iyo wax kaleba isku dayay,waloo ay waxa ay hayaan ay aad u yar tahay,waanu u mahad naqaynaa,Anagu kal fadhi ayaanu iskugu nimid,waxaananu ka wada hadalnay Xaaladan Shubanka ee Magaalada taala,Go’aamo ayaananu ka soo saarnay”.
Waxa uu sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye),waxaana uu ku sheegay wasiir Shaqadii uu qaranka u hayay gabay,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Wasiirka Caafimaadka ayaanu canaananaynaa, Runtii shaqadiisii kamuu soo bixin,Waxaad moodaa Gobolka intuu soo galay sidii uu dalxiis yahay,intuu laba saac illaa saddex saac joogay ayuu dib u noqday,markaa cida lacanaanayo waanu sheegaynaa oo farta ayaanu ku fiiqaynaa,Hadaanu nahay Xildhibaanadii Gobolka Togdheer,Wasiirka Caafimaadku Gobolka Togdheer Wuu hagraday,Dalxiis ayuu ku yimid oo uu noqday”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaan Bidhi.

Comments

comments