Waxaynu ku guda jirnaa bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana hubaal ah in Dadka muslimiinta ahi ay soomaan saacado badan, marka uu qofku soomo waxa hoos u dhacda Sonkorta ku jirta dhiiga, laakiin ku darsoo arrintaasi ma aha arrin loo wada siman yahay ee waa dadka qaarkood. Haddaba, Dadka ay sonkorta ku jira dhiigoodu hoos u dhacdo xilliga la sooman yahay waa Dadka uu heerka Glucose-koodu uu sareeyo, sidaasi markay dhacdo waxa uu jidhki isticmaalayaa glucose-ka ku kaydsan jidhka saacadaha uu qofku sooman yahay.
Qaladaadka dadku ku kacaan bisha barakaysan ee Ramadaan gaar ahaan xilliga Afurka waxay kala yihiin :
- Dadka soomani xilliga afurka waxay aad u cabaan sharaab ay sonkortu ku badan tahay oo aan dabiici ahayn, waxaana habboon inuu qofku yaraysto isla markaana uu cabo cabitaanka dabiiciga ah oo aan sonkor badan lahayn waayo?, Dheeli tirka sonkortu waa Muhiim.
- Dadka sooman qaar ka mid ahi caado waxay u leeyihiin inay biyo aad u badan cabaan xilliga Afurka, intaasi kadibna uu dareemo in uu dharagsan yahay ama culaysi jiro, waxaana habboon inuu qofku inta afurka iyo suxuurta u dhaxaysa cabo biyo ku filan oo aanu isku wadna goyn xiliga uu afurayo si aanu ula kulmin dhibaato caafimaad.
- Dadka caadaystay in jiimka tagaan bisha ramadaan ama hore ba u tagi waxa habboon in aanay tagin goobaha ay ku jimicsadaan marka ay afuraan, laakiin waxa habboon inay u dhexaysiiyaan afurka iyo jimicsiga muddo laba saacadood ah.
- Dadka qaarkood marka ay afurayaan ku kaca arrin aad u layaab badan oo ah in aanay Cuntada si wanaagsan u callalin oo ay is dhaafiyaan waxa habboon in cuntada si wanaagsan oo deganaashi ku jiro loo callaliyo si ay cuntadu si wanaagsan ugu dheefshiidanto.
- Cunista waxyaabaha Macmacaan xilliga Afurka ama afurka kadib waa arrin aad u xun, haddii aad caadaysatona waxay kugu keenaysaa in marka aad sidaa u afurto ee aad waxa macaan ka daba gayso aad lulooto oo aanad bartaada ka kicin, sidoo kale sababaysaa in cibaadadii aad ka caajisto, sidaa awgeed ka dheeraw cunista waxyaabaha macmacaan xilliga afurka.
- Dadka qaarkood waxay aad u cunaan cuntooyinka ay ku badan tahay Sodium-tu cuntooyinka noocaas ahina waxay keenaan harraadka, waxa habboon in aad cunto hal xabo uu muus ah waayo waxa uu muusku qani ku yaahay Potassium-ta waxa aanu ka hor tagi karaa harraadka muddo badan.