Somaliland: Wasiirka Hawlaha Guud Oo Soo Saaray Wareegto Uu Ku Joojinayo In Gaadiidka Dawladda Lagu Xidho Taarikada Rayidka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa soo saaray Digreeto uu ku mabnuucayo in Gaadiidka Dawladda lagu xidho Taarikada cad ee Gaadiidka Rayidka.

Wasiirka Hawlaha Guud oo Digreetada soo saaray Arbacadii Shalay, ayaa Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda u soo jeediyey inay dhaqan-geliyaan Wareegtadan isla-markaana soo xereeyaan Lambarrada Cad cad ee ku xidhan Gaadiidka Dawladda qaarkood.

Wareegtada uu Wasiirku soo saaray ayaa u qornayd sidan:-

Ujeeddo: Joojin Lambarka Cad ee Gaadiidka Dawladda.

Markaan arkay muhiimadda ay leedahay ilaalinta hantida qaranka. Markaan arkay Siyaasadda guud ee ay dawladda Somaliland ka leedahay ilaalinta hantida ummadda.

Markaan arkay in Gaadiid badan oo Dawladdu leedahay ay sitaan Lambarka Cad ee kor ku xusan, sidaas awgeed waxaan Maanta oo Taariikhdu tahay 31/05/2017 soo saaray Digreeto Wasiir oo aan ku joojinayo in Gaadhi Dawladdu leedahay lagu xidho Lambarka Somaliland ama Lambarka Cad ee kor ku xusan.

Haddaba, waxaan farayaa dhammaan Wasaaradaha Dawladda iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Xukuumadda inay dhaqan-geliyaan wareegtadan, soona xereeyaan Lambarka Cad ay sitaan hadda.

Sidoo kale, waxaan Taliyaha Ciidanka Booliiska ku war-gelinayaa inuu si dhaqso ah uga hawl-galo dhaqan-gelinta Wareegtadan si loo sugo Amniga Qaran iyo tan Hantida Qaranka ee Dhinaca Gaadiidka.

Allaa Mahad leh

Cali Xasan Maxamed

Wasiirka WHG/G/ & Gaadiidka

Comments

comments