Somaliland: Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Tafsiir Ka Bixiyey Midawgii Somaliland iyo Somalia, Si Furan U Sharraxay Halka Uu Ka Qallooco Wadahadalka Labada Dal

Date:

“Kolka Dhinaca Qaanuunka iyo Dhinaca Siyaasadda Laga Hadlo, Somaliland Kumay Darsamin Somalia, Somaliyana Kumay Darsamin Somaliland 1960kii” Prof Ismaaciil Hurre Buubaa

Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa si furan uga hadlay wadahadalka Somaliland iyo Somalia oo uu sheegay inuu meel khaldan ka bilaabmay.

Prof Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay inay Somaliland iyo Somalia wakhtigii midawga ka hor mid waliba u magac lahaa, balse markii la midoobay lagu heshiiyey magaca “jamhuuriyadda soomaaliyeed”. waxaana uu xusay in haddii labada dhinac mid ka mid ahi uu heshiiska ka baxo ay labada dhinacba magacoodii gaarka ahaa ku noqonayaan, waxaana uu sheegay in marka taas la isla qiro uu bilaabmi karo wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia.

Sidoo kale Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu si kooban uga hadlay hanaankii ay u midoobeen Somaliland iyo Somalia, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Kolka dhinaca qaanuunka iyo dhinaca sayaasadda laga hadlo, Somaliland kumay darsamin Somalia 1960kii, Somaliyana kumay darsamin Somaliland 1960kii. Way isku darsameen oo waxay ku heshiiyeen inay la baxaan magac cusub oo la yidhaahdo “Jamhuuriyadda Soomaaliyeed”. Teedii ka baxda magacaa lagu heshiiyey ee dib ugu noqota magaceedii hore, heshiiskii way ka baxay. Wadciga siyaasiga ah ee Somaliland iyo Somaliya maanta taaganyihiin waa kaas. Labaduba magacii lagu heshiiyey ee “Jamhuuriyadda Soomaaliyeed” way ka baxeen. Somalia magaceedii bay ku noqotay, Somalilandna magaceedii bay ku noqotay. Kolka halkaa la is dultaago ayuu wadahadalku fumikaraa, haddi Alle idmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...