Siyaasiyiin iyo culimo aw diin ka tirsan Ac-yaanta magaca ku dhex leh Bulshada Somaliland, ayaa walaac iyo wis-wis ka bixiyey guddida daba-furanka ah ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo dhowaan mar kale u magacaabay ururinta dhaqaale lagu taakuleeyo dadka ku caydhoobay iyo kuwii ku barakacay Abaartii dalka saameeyey, iyaggoo ka warwar qaba halka uu ku dambayn doono dhaqaalaha loo ururiyey dadka tabaaleysan, maadaama aanu jirin hay’adda ama cid kale oo Madaxweynuhu carabka ku dhuftay oo marjac u ah dhaqaalaha lasoo ururin doono.
Sidoo kale, ganacsatada iyo qaybo kamid ah bulshada ayaa geestooda iyanna qaba kalsooni darro weyn oo la xidhiidha in dhaqaalahani si sax ah u gaadhi doono dadka tabaalaysan ee magacooda loogu yaboohay hanti ururintan, waxana dadka sidaa qaba qaarkood, iyaggoo ka cudur-daartay in magacooda la shaaciyo Wargeyska Yool u sheegeen inay fajac iyo amakag kala kulmeen xafladii ka dhacday Madaxtooyadda habeenkii xuska 18-ka May. Arrimaha layaabka leh ee Xafladii Madaxtooyadda lagu arkay intii tagty iyo intii daawatay-na aad u hadal hayeen waxa kamid, qaar kamid ah xubnihii ku yaboohay Lacagta, kuwasoo qaarkood sida dadka aqoonta u lihi xuseen, ay ku qaban wayday hayntoodii hore ee jaabka, Mushaharka ay dawladda ka qaatan iyo cadadka qaadhankii ay ku yabooheen.
Tusaale, ahaan arrimaha keenay in bulshaddu is waydiiso marjaca ama halka dhaqaalahani ku dambayn doono, tuhun iyo mad-madow badan oo hadheeyey qaabkii loo maamulay dhaqaalihii hadda ka hor loo ururiyey gurmadkii Abaaraha iyo guddidi loo dhiibay dhaqaalaha oo la oggaaday markii dambe in aanu jirin ciday marjac u ahaayeen oo kula xisaabtamaaysay Cadadka lacagta soo gashay iyo weliba qaabka u baxay.
Waxa kaloo, kamid ahaa dhaliilihii kasoo baxay qaabkii loo maamulay dhaqaalihii kusoo dhacay gacanta guddidii hore ee abaaraha tabashooyin tiro beelay oo kasoo yeedhay qaybo kamid ah deegaanadii Abaartu sida xun u saamaysay, kuwasoo aynu ka xusi karno Guddida joogtada ah ee Duqayda Gar-adag, iyaggu sheegay hadal hayn mooyee in aanay arag wax deeq ah oo ka timi Guddida Abaaraha, waxa kaloo kamid ahaa deegaanada dhawaaqan oo kale kasoo yeedhay Oodweyne, Saraar iyo Ceerigaabo. Muj. Cali guray ayaa kaddib War-saxaafadeedkii Madaxweynuhu ku magacaabay Gudida cusub farriin arrinka ku saabsan oo ku baahiyey bartiisa “Facebook”, waxa ajandaha Magacaabista Guddida cusub ku suffeeyey la mid ah halku dhigii ahaa (Dhigga Lacagta). Sidoo kale, Muj. Cali Yuusuf waxa uu sheegay in dhaqaale ururinta cusubi u yahay qorshe meesha lagaga saarayo la xisaabtanka Guddidii hore ee abaaraha.
Dhinaca kale, Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray oo kamid ah Culimada waaweyn ee dalka Somaliland geestiisa isna farta ku goday halka dhaqaalahani u ku dhici doono iyo cidda maamulaysa ee bulshadu kala xisaabtami karto, isagoo Sheekh Aadan Siiro fikir ahaan soo dhoweeyey in dhaqaale loo ururiyo dadkii ku tabaaloobay iyo kuwii ku barakacay abaaraha. Waxa isweydiintu ka taagan tahay mashruucan taakulaynta dadka abaaraha ku tabaaloobay, ma waxa uu noqon doonaa mid u fula sidii loogu talo galay, ama waxa uu noqon doonaa Mashruuc naanayso u reeba dad badan, sida Bugii laga qoray Hay’addaha qaraamada Midoobay ee la odhan jiray Tujaartii fakhriga.
Kulan laba Weji ah oo Madaxtooyadda ku Dhex-maray Siilaanyo, Cali Khaliif Iyo Odayaal Duulimaadku ah Wasiirnimada Xagla-toosiye
Hargeysa(Yool)-Cali Khaliif oo hore iskugu magacaabay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa qasriga Madaxtooyadda Somaliland xalay kulan kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, kaasoo dhankiisa Cali Khaliif uu ku weheliyey Wasiirkiisa arrimaha dibeda Mr. Maxamed Shabac. Ma jiro War rasmi ah oo ku saabsan ujeedada Kulankaa oo kasoo baxay Xukuumadda Somaliland.
Hase-yeeshee Warar Wargeyska Yool ka helay ilo u dhuun-daloola xidhiidhka Madaxtooyadda iyo Cali Khaliif, ayaa tibaaxay in safarka hadda ee Cali Khaliif iyo kulanka Madaxtooyadda ee Xalay uu kasoo shaqeeyey Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin, isla markaana sida xoggaha lagu sheegay lagu wado is araga Madaxtooyadda kaddib Md. Cali Khaliif inuu u safri doono dalka Kenya.
Waxa kaloo, Wararku intaa ku darreen in wafti Odayaal ah oo kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle, una badan sida la xusay ardaaga Beesha Maxamuud Garaad, inay shalay gelinkii dambe kulan la qaateen Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, waxanay xoggaha kulanka hore la xidhiidhay tibaaxeen in ujeedada waftigan Odayaashu u la xidhiidhay qorshe ka dhan ah Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Axmed Ciise (Xagla Toosiye), sidoo kale waxa iyana aan meesha ka madhnayn loolanka xubno Beesha Dhulbahante ahi ugu jiraan hanashada jagada Gudoomiyaha golaha wakiiladda, kaddib marka uu jagadda banneeyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee hadda ah Gudoomiyaha Barlamanka Somaliland.