Somaliland: Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyey Inuu Xisbiyada Wada-hadashiiyo, Si Aan Ololahooda Filictanka Ku Dhisan Dalka Dhibaato Ugu Horseedin

Date:

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland ee Xukuumaddii UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Tartanka Xisbiyada Somaliland ugu jiraan  Hanashada Kursiga Dalka ugu sareeya, kaasi oo uu sheegay inuu ku dhisan yahay Ficiltan Dalka u horseedi kara Mushkilad.

Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kale oo uu ka hadlay Musuqmaasuq, Waxyaabaha keenay Sicir-bararka Dollarka iyo Qiimo beelka Shilinka Somaliland iyo weliba Waxyaabaha keenaya in Xukuumad kasta oo soo marta Somaliland ay Wasiirradeedu tiro bataan.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo ugu horeyn ka hadlaya Ficiltanka Xisbiyada Qaranka ee Xilligan jira ayaa yidhi “2012-kii markii Dib loo furay Ururrada, UDUB way ka soo horjeedday, UDUB wuxuu ahaa Xisbiga kaliya ee ka dagaalamayey ee lahaa yaan la furin, maaddaama oo hore loo furay oo ay Saddex Xisbi ku soo baxeen, Saddexdaa Xisbina noqdaan Saddex Xisbi oo Qaran, waatii la sameeyay Qarjajac iyadoo Cid gaar ah loo jeedo oo meesha lagaga saarayey. Taasina waxay ina dhacsiisay oo timid tii aanu ka baqanaynay, intaas oo Urur baa samaysmay, waalla is canaananayaa, Waalla is hiifay, wax Isbeddelayna ma jiraan, oo UDUB na meesha way ka baxday, WADDANI-na wuu soo galay, Colaad badanna way timid.”

Mudane Yaasiin wuxuu sheegay in Ficiltanka Xisbiyada iyo dhib kasta oo Tartankoodu keeni karaa in Cidda ka hor-tagaysa ee ka Odayeynaysaa ay tahay Madaxweynaha, “Maanta Odaygii Tartami lahaa wuu ka fadhiistay, laakiin Maanta Xilku isaguu saaran yahay, waa Madaxweynaha’e, isagu waa inoo ka noqdaa Garsoore oo uu Saaxad fiican kaga tagaa, oo uu ka Oday-yeeyo oo tartan Xalaal ahi (dhacaa), oo Ficiltan badan ee yimid (ka hor-tagaa), Waayo? waxaad Mooddaa in Ficiltankaa badan ee yimid wax ku sii fogaanayaan, waa inuu isku soo dhaweeyo oo uu isku keeno Xisbiyada oo uu yidhaahdo waalla tartamayaa ee Dadka dhibaato ha gelinina.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan leeyahay, Madaxweyne Adigu waad ka degaysaa (Xilka) oo waad ku Mahadsan tahay haddaad tidhi Anigu waan bannaynayaa, laakiin Haddii Maanta la guuleysto Adigaa guuleystay, haddii Arrinkaasi noqdo Dabo ka furan oo la is khilaafana Adigay wax kuu dhibaysaa, markaa Madaxweynuhu waa inuu Xisbiyada isku keenaa oo uu u qabtaa Tartan Xalaal ah.”

Axmed Yuusuf Yaasiin oo Shabakadda Hadhwanaagnews oo uu u warramay waydiisay inay jiraan Waxqabadyo uu Xukuumadda Siilaanyo qabatay intii ka dambaysay Xukuumaddii uu ka tirsanaa ee UDUB, ayaa ku jawaabay “Maamulka Siilaanyo wuxuu u yimid meel dhisan oo wax laga sii qaadi karo (La sii horumarin karo), markaa Anigu ma odhan karo waxba may qabanin, Waayo? taasi gef bay noqonaysaa, markaa way shaqeeyeen oo waxyaabo aanu annagu ka gaabinay, sida Derajada Ciidammada oo kale waxa sameeyay Maamulkayagii oo diyaar bay ahayd, laakiin waxaanu lahayn qaab kale wax u fuliya, sida in Ciidammada dhexdoodu ku tartamayaan, laakiin kaba soo qaad inaanu Annagu ka baqanay, laakiin iyagu way ku dhiiradeen (Bixinta Derajooyinka), Ciidammada way u kordhiyeen Mushaharka, laakiin Annagu waxaanu wakhtigaa Sarrifka ku haynay 6500 Shilin Halka Dollar, Maantana wuxuu marayaa toban kun, markaa waxay ahayd inay wax ka qabato, laakiin waxay wax uga qaban wayday markii Baankii dhexe la fadhiisiyey, Waayo? Baanku imika waa Qasnad Cidlo fadhida (oo ma shaqeeyo).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay sida loola Dagaalami karo Musuqmaasuqa, “Waxaynu u baahannahay Gacan Caadil ah oo Adag, oo Ninkii Musuqmaasuq sameeyaba Gacan-bir ah wax lagaga qabto. Anigu waxaan qabaa inaanu istaageyn Musuqmaasuqu illaa Rag loo laayo, Rag loo Xidh-xidho. Afrika oo dhan waxa ragaadiyey waa Musuqmaasuq, markaa Dawladdana sidii annagaba la noo daba siday ee loo lahaa Musuqmaasuq bay sameeyeen ayuun bay tooduna soo bixi doontaa, laakiin Wakhtigeeda hala gaadho. Laakiin in Rag loo xidho Musuqmaasuqa, Qofna deyn maayo Lacag meel taalla.”

Axmed Yuusuf Yaasiin oo la waydiiyey siduu u arko Hoggaaminta Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa ku jawaabay “Odaygu waa Oday wayn oo Siyaasi ah,  muddo dheerna soo shaqeynayey imikana Da’ taagan, horta Aniga xaggayga Ceebi uga tagi mayso, laakiin waxaan leeyahay Siilaanyo sidii Daahir Rayaale loo daba socday ee loo caayeyay ee imikana loo ixtiraamayo, ayuu Wakhtiga uu ka tago meesha ee uu dibadda istaago ayuun bay Taariikhdiisu qormaysaa, taasina waxay ku xardhami doontaa sida uu u qabto Doorashadaa oo uu Nimankaa (Tartamaya) u kala fuliyo, intaasi ka dib baa laga hadli doonaa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Waxyaabaha keenaya in Xukuumadaha soo mara Somaliland ay Wasiirrada ka midka ahi tiro bataan, “Dadkeena ama Qabaa’ilkeenu ma aqoonsana In Goleyaaha Wakiillada iyo Guurtidu yihiin Dadkii iyaga ka Wakiilka ahaa, oo waxay aaminsan yihiin Wasiir, Madaxweynaha cunaha ayaa la qabanayaa oo waa lagu qasbayaa oo Reeraa ku Qasbaya, Sankaa laga gelinayaa (inuu Beel walba Wasiir u Magacaabo), Anigu waxaan filayaa taasi waxay dhammaan doontaa marka Waddanka la ictiraafo ee Madaxweynuhu aanu Cidna ka baqayn, ayuu ku dhiiran karaa inuu sameeyo Dawlad kooban. Markaa waxaan filayaa in wixii ay lagu canaanan jireen inay iyagu badh na dheeraysiiyeen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...