Wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Burco,Berbera,Laascaanood,Oodwayne,Caynaba iyo Ceerigaabo soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Wargane ayaa waxay sheegayaan in hadda ay si rasmi ah magaalooyinkaasi iyo deegaanada hoos yimaadaba ay uga bilaabmatay xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-May oo ah sanad guuradiii 26-Aad ee kasoo wareegtay maalinkii dhidibada loo taagay jamhuuriyada Somaliland.
Waxaana shacabka magaalooyinku ay iskugu soo baxeen goobihii lagu xusi jirey xusaska 18 May ee hore iyaga oo halkaasina masuuliyiin xukuumadda ka socotaa ay kala qayb galeen shacabkani xuska maalintani 18 May,waxaana ay masuuliyiintani bulshada iskugu soo baxday goobahaasi ay kaga ururinayaan dhaqaale Lacageed oo loogu gurmado dadka ay abaaruhu caydheeyeen.
Waxaana magaalooyinkaasi xuska kala qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo iyo masuuliyiin kale iyaga oo sidoo kalena goobahaasi lagu kala dirayo guddiyo iskugu jira masuuliyiin,macalimiin iyo ardayda jaamacadaha oo iyagu xaafadaha magaalooyinkaasi mid mid u garaaci doona isla markaana kasoo ururin doona qaadhaan dhaqaale oo loogu gurmanayo shacabka reer Somaliland ee ay abaaruhu sida xun u saameeyeen.
Sidoo kale caasimada Hargeysa ayaa waxa saaka iyagana laga xusayaa xuska maalinta qaranimada Somaliland iyada oo halkii socodka damaashaadka ah shacabku ku mari jireen wadooyinka caasimada loo badalay in lagu ururiyo dhaqaale loogu gurmanayo shacabka.Waxaana goordhaw la filayaa in madaxwayne Siilaanyo geed ku beero Madaxtooyada Somaliland fariin ku saabsan xuskana shacabka Warbaahinta u mariyo.
Waxaana sidoo kale xaafadaha magaalada Hargeysa loo qaybiyey isla markaana goor dhaw loo kala dirayaa wasiiro,macalimiin,ardayda jaamacadaha iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan kuwaas oo xaafadaha ka samayn doonaa qaadhaan ururin loogu gurmanayo dadka tabaalaysan ee ay abaaruhu saameyeen.
Gabagabadiina xuska sanadkan ee 18-may ayaa ka duwan xusaskii hore ee loo xusi jirey maalinta qaranimada Somaliland,waxaana sanadkan dabaal dagii xuska loo badalayo gurmad iyo dhaqaale ururin loogu gurmanayo shacabka reer Somaliland ee ay abaaruhu sida xun u saameeyeen.