adaxdhaqameed Kasoo Jeeda Gobolka SOOL Oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Deegaanka Tukaraq,Iyo Qodobo Lid Ku Ah Qaranimada Somaliland Oo Kasoo Baxay Degmada Tukaraq ee Gobolka Sool Waxaa Gelinki Hore ee Maanta Ka Bilaabmay Shir Ay Iskugu Yimaaden Isimo Tiradoodu Gaadheyso 6 kuwaaso Ka soo Horjeeda wadahadaalada Somaliland iyo Khaatumo Sidoo Kalena La Filaayo in ay soo saaridoonan Qoraalo Baaq iyo Taagero ishuwaan kuwaaso lagaga kala hadlaayo Colaada Soo Jiitameysay Mudaada ee uu dhaxeysay Beelaha walaalaha ee Qayaad iyo baharasame sidoo kalena Lagu Taagerayo Dowlada Federaalka Soomaaliya.
War Deg Deg Ah: Muxu Daarna Kulankii Madaxdhaqameed Kasoo Jeeda Gobolka SOOL Oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Deegaanka Tukaraq
Date:
Shirkaan oo ay dabada Ka Riixayaan Qeybo ka mid ah Xildhibaanada ka soo Jeeda Degaanada Sool,Buuhoodle Oo Ay Faragelin Siyaasadeed Ku Hayso Maamulka Puntland Waxaana Kulankaasi La Filaya Inay Yimaadaan Saraakiil ka Tirsan Puntland oo uu ka Mid yahay wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa Laha Qorshaha Shirkaan iyada oo Gogoosha Shirkaan uu dhigay Garaad saleeban Garaad Maxamed Oo ka mid ah isimada Beelaha Sool,sanaag beri iyo ceyn.
Goobjogaayaal Shirka Ku sugaan ayaa warbaahinta uu xaaqijiyey Magacyada Isimada Goobjooga ka ah Madaasha Shirka :-
1,Garaad saleeban Garaad Maxamed
2.garaad Cabdirisaaq Garaad soofe
3.Garaad saleeban Buraale
4,Boqor Cabdilaahi Dabagooye
5.Ugaas farax dheere
6.wakiil ugaaska Beesha Xasan Ugaas oo ay noo surtageli weyday helitaanka Magiciisa.
Degaanka Tukaraq Ayaa Waxaa Fadhi U Tahay Puntland Waana Goobta Ay Maraan Xuduudaha U Dhexeeya Puntland iyo somaliland Waxaana Dhagaaro badan kaga soo wajaahanyihiin Dowlada Somaliland iyada oo dhaawana Gaadhen Degaanka Buhoodle Wafdi Ka socda Dowlada Federaalka oo Tirakoob Ciidan iyo Tuutayaal uu siday ciidamada Faadhigoodu Yahay Caasimada Gobolka Buhoodle Iyada oo Khatar amni ay kaga soo fool leeyihiin somaliland