“Labadan Wasiir Ayaa Dalabkoodu Ku Sababeeyay Inay Xaruntaasi Suuq Badhtankii Noqotay Oo Aanay Shaqayn,Sidaa Darteedna Lacagta Lagu Iibsado Ay Ku Badelayaan Xarumo Caafimaad Oo Laga Hirgaliyo Degmooyinka Hargeysa.”
Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxay in Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo horjoogsaday Dalab ugu yimid Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud,Gaadiidka iyo Guryaynta Cali Xasan Maxamed (Mareexaan),kaasi oo ku saabsanaa in loo xalaaleeyo inay Iibiyaan Dhismaha Xarunta Caafimaadka (Ex-Civil Center) ee Badhtamaha Suuqa Hargeysa,taasi oo ay sheegeen inay Ku iibinayaan Lacag xadigeedu badan yahay.
Sida warkan aanu ku helnay,Labadan Wasiir ayaa dhawaan Xogtan Gaadhsiiyay Madaxweynaha Una Sheegay inay Xaruntaasi Iib Culus u hayaan,iyagoo sidoo kalena u faah faahiyay sababta iyo Ujeedada ka dambaysa Iibka Xaruntaasi iyo Waxa ay qorsheeyeen inay ku badelayaan,Waxaanay sida lanoo Xaqiijiyay kala kulmeen Madaxweynaha Waji gabax kadib markii uu Madaxweynuhu ka gaws adaygay islamarkaana uu ka diiday inuu Dalabkaasi Aqbalo,isagoo sida Lanoo sheegay Madaxweynuhu u sheegay inaanay Wakhtigan ku haboonayn in Arimaha Noocaasi oo kale ah Xukuumadiisu gasho,Waxaanay wararka Foore helayaa sheegayaan in Arintaasi halkaasi ku joogsatay oo uu Madaxweynuhu diiday in Xaruntaasi la iibiyo.
Faah faahimaha aanu helnay ee ku saabsan Warkan ayaa sheegaya in Labadan Wasiir ay Madaxweynaynaha u bandhigeen manfac darada Xaruntaasi oo ay sheegeen inaanay gabi ahaanba sidii la rabay u shaqayn,iyagoo ku sababeeyay halka ay ku taalo oo suuq noqotay oo aan ku haboonayn wakhtigan inay xanaano sii ahaato. Warkan ayaa intaasi ku daray in Labadan wasiir oo aad u danaynaya inay Xaruntaasi kala tuuraan ay Madaxweynaha u bandhigeen in lacagta Badan ee Xaruntaasi lala dul taagan yahay ay dhisi karto Xarumo Caafimaad oo si siman loo gaadhsiiyo Guud ahaan Degmooyinka Magaalada Hargeysi ka kooban tahay oo aan intooda badan lahayn Xarumo Cafimaad ama aanay ka dhisnayn,balse waxa ay wararku sheegayaan inaanu illaa hadda Madaxweynuhu ka aqbalin Dalabkaasi oo uu wali diidan yahay.
Waxa maalmihii u dambeeyay si weyn Hargeysa looga hadal hayay Iibka Xaruntaasi waxaana carabka lagu badinayay in Xaruntaasi laga iibinayo Mid ka mid ah Ganacsatada Waa weyn ee magaalada Hargeysa.