Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa waxaa ay si adag uga hadashey sicir bararka dalka ka jira e xadhkaha goostey

Wasiirada ayaa waxaa ay ku hanjabtey in aanay xukuumadu sidan ku sii eegan Karin sicir bararka isla markaana ay qaadi doonto talabooyin adag , waxaana ay ganacsatada raashinka keenta ugu hanjabtey wasiiradu hadii ay jabin waayan raashin In ay xukuumadu dalka keeni doonto maraakiib raashin ah