Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Muqdishu, waxaa shalay soo caga dhigatay diyaarad sidday 67 Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka Aadan Adde.
Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo helaan.
Waa kooxdii saddexaad ee muwaadiniin Soomaali ah ee laga soo tarxiilo Maraykanka tan iyo markii madaxweyne uu noqday Donald Trump.
Bishii Jannaayo waxaa lasoo tarxiilay 90 qof, halka bishii Maarso lasoo tarxiilay 68 qof.
Qaar ka mid ah Soomaalidda lasoo tarxiilay ayaa Hiiraan Online u sheegay, in ay ku jireen xabsiyo ku yaalla dalka Mareykanka ayna sugayeen in lasoo tarxiilo muddo fog.
Dhinaca kale, Qoraal ka soo baxay Waaxda Fulinta arrimaha socdaalka iyo Kastamada ee ICE ayaa lagu xaqiijiyey celinta Muwaadiniin u kala dhalatay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo laga kala dejiyey Nairobi iyo Muqdisho.
12-kii bishan April, Safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad, ayaa sheegay in safaaradda ay oggaatay in hay’addaha socdaalka Maraykanku ay qorsheynayaan inay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo iminka ku nool Maraykanka.
Safiir Axmed Ciise Cawad, ayaa sidoo kale sheegay inta badan dadka lasoo masaafurinayo in aysan ku jirin xarruumaha dadka lagu hayo.
Safaaradda Soomaalidda ee magaalladda Washington, ayaa dib loo furay bishii November ee sanadkii 2015.
Dhinaca kale Brendan Raedy, oo ah afhayeenka ICE, waaxda fulinta socdaalka iyo kastamka ayaa sheegay in ay jiraa dad badan oo Soomaali oo sugaya in lasoo tarxiilo.