Pakistaan: Masaajid Mowliid laga dhigaya oo la Qarxiyey

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay masaajid ku yaal magaalada Rawalpindi ee dalka Pakistaan, maalinimadii Jimcihii.

Masaajidkan ayey ku cibaadeystaan dadka shiicada ah waxaana la sheegay inuu goobtaasi isku qarxiyey qof sitay bambaano xili ay bilaabatay munaasabada mowliidka oo lagu qabanayey Jimcihii masaajidkaasi.

Illaa iyo hada ma jirto cid sheegatay qaraxan, balse dowlada ayaa ku eedaysay kooxda Talibanka oo marar hore sidan oo kale bartilmaamsaday masaajidada dadka Shiicada ku tukadaan.

Axadii lasoo dhaafay ayaa sidan oo kale loo qarxiyey goob ciyaar ka dhaceysay oo shiico badan isugu timid waqooyiga dalkaasi Pakistaan.

Comments

comments