Somaliland: “Ingiriisku Hidde Ayuu U Leeyahay Inuu Soomaali khiyaameeyo, Shirka London Wixii Ka Soo Baxaana Waxba Ma Yeelayaan Somaliland…”

Date:

Guddoomiyaha ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Inj Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aanay natiijada ka soo baxda Shirka London loogu qabanayo Soomaaliya aanay waxba yeeli Karin Somaliland, isla-markaana waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaarihiisa inay yihiin cadowga Soomaalida oo ay khiyaamaynayaan dadkooda Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe oo Shalay hadal ka jeediyey Xaflad lagu qabtay Magaalada Burco oo uu ku sugan yahay, ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya shir Dawladda Ingiriisku u qabanayso Soomaaliya oo Khamiista Maanta ka furmaya London wuxu yidhi “Shirka Soomaaliya loo qabanayo ee berri khamiista ka furmaya London (Maanta), marka hore shacbiga Somaliland iyo Adduun-weynahaba waxaan u caddaynayaa in aanu shirkaasi na khuseyn oo lana yidhaahdo Somaliland”.

Faysal waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya ay xilligan ku jirto “Soomaaliya ilaa 1991kii dhawr dawladood ayaa loo dhisay, iyo waliba shirar kale oo dib u dhis ah, markaa arrimaha ka socda Soomaaliya haddii ay tahay shirkan London iyo kuwii ka horreeyayba maaha arrimo ka shaqaynaya danta dadka Soomaaliya ee waa dano ay gacanta ku hayaan oo ay wattaan shirkado waaweyn oo adduunka ee shidaalka oo ay ka danbeeyaan quwadaha waaweyn ee Adduunku, sidaa awgeed Soomaaliya waa loo tashaday in khayraadkooda la gurto oo aanay dawlad samaysan oo loo jarjaro maamul goboleedyo aan caddaalad ku dhisnayn oo qabaa’il oo ay qaarkood intay ciidamo shisheeye u soo kaxaysteen ayey dusha ka fuuleen dadkoogii”.

Faysal waxa kale oo uu eedo u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasiirihiisa “Labada nin, waa niman jidhka Soomaalida leh, laakiin qalbi shisheeye leh oo adeeg shisheeye wada, waxaanan Adduunka, Jimciyada Quruumaha iyo dadka Soomaalida ahba waxaan u sheegayaa in qorshaha dib u gumeysiga iyo dib u qaybinta Soomaaliya in laga kaco oo Soomaali meel ay joogtaba ka dhiidhiyaan”.

Ugu dambayntiina, Faysal Cali Waraabe waxa uu talooyin u soo jeediyey dadka iyo dawladda Somaliland iyo Soomaaliya “Danta iyo Xalka Soomaaliya waxa uu ku jiraa gacanta dadka Soomaaliya, waayo dadka reer Somaliland markay dalkooda dib u dhisayeen shisheeye nooma iman oo waanu iska diidnay oo waxaanu samaynay dhaqan iyo hab Soomaali leedahay oo aanu ku heshiinay oo ku kala baxnay, markaa waxaan arkayaa in labadaa nin yihiin cadowga soomaalida meel kasta oo ay joogaan Soomaali, Ingiriiskuna hidde ayuu u leeyahay inuu dantiisa raaco oo uu Soomaali khiyaameeyo, markaa halaga feejignaado, waxa kale oo aan leeyahay dadka Somaliland meeshaa waxa ka soo baxa maaha wax wax ina yeeli kara, oo waa tii aynu hore u dagaalanay ee uga adkaanay, markaa ILAAHAY ayuun baa wax ina yeeli kara, Soomaaliyana waxaan leeyahay gacmaha is qabsada oo idinku danihiina dhameysta anaguna Somaliland ahaan diyaar ayaanu u nahay in aanu gacan idin siino”. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...