Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhambaal Fariin Xambaarsan u Direy Madaxweynaha Cusub ee Faransiiska.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska, Mr. Emmanuel Macron,oo 8-dii bishan May loo doortay madaxweynenimada Faransiiska. Ka dib markii uu helay 65.5% codadkii la dhiibtay, halka haweeneydii la tartamaysay ee Marine Le Pen, ay heshay ku dhawaad 34.5%.
Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu caawa soo saaray dhambaal uu ku bogaadiyay madaxweyne Emmanuel Macron, oo uu sheegay inuu ka rajaynayo muddada uu xilka hayo inuu sii xoogaysan doono cilaaqaadka u dhaxeeya laba waddan. Qoraalkan oo Ingiriisi ku qornaa, waxa soo turjuntay shabakada Hadhwanaagnews,waxaannu u dhignaa sidan:-
“Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dawladda Somaliland iyo ka shacbigayagaba, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa hambalyadayada qalbiga ka soo go’day oo aanu kuugu tahniyadeynayno doorashada laguu cugtay inaad noqoto Madaxweynaha Jamhuuriyada Faransiiska.
Doorashadaadu waxay tusmaynaysaa oo ay caddaynaysaa, kalsoonida dadka Faransiisku u hayaan hoggaamintaada. Waxaan rajaynayaa muddada lagu gudojiro muddo xileedkaaga xafiiskan inaynu sii wadi doono inaynu ka wada shaqeyno adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya labadeenna dal, ka mandaqada, waxaynu hore-u- sii wadi doonaa inaynu sii horumarino nabadgelyada, horumarka iyo dimuqraadiyada.
Madaxweyne, waxaan si nasteexo ku jirto u rajaynayaa guul maamulkaaga iyo horu-socod aad ku naalootaan adiga iyo qoyskaaguba oo nabadgelyo iyo barwaaqo u leh Jamhuuriyada French (Faransiiska).”
Geesta kalena, Madaxweynaha la doortay ee Faransiiska oo ah 39 jir, waxaanu noqonayaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara Faransiiska.
Mr Macron ayaa sidoo kale noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee tan iyo sanadkii 1958 ka soo baxa xisbi aan ahayn labada axsaab ee ugu waaweyn Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...