“Kaantaroolka Burco Walaahi Bilaahi Askar Ayaa Igu Qabsatay,Cadhaysan, Bal Ninka Shan Boqol Oo Kun Qaata Ama Saddex Boqol Oo Kun Qaata Ka Waran,Muxuu Maanta Cunayaa?…..”.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa walaac ka muujiyay Sixir bararka dalka ka taagani inuu samaayn ku yeesho Arimaha Amniga,Waxa uu ka dardaar wariyay Ciidamada iyo Dadka Mushaharka hoose dawlada ka qaata oo uu sheegay inay keeni karto kacdoon dad weyn hadii ay sidan ku sii socoto,waxa uu farta ku fiiqay Askarta Furinta joogta ee Saddexa Boqol ee kun u xaadirtay,waxa kale oo uu madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu xilka iska Casilo,si uu dalka u badbaadiyo.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Warbaahinta la hadlay ayaa Waxa hadaladiisa ka mid ahaa sidan“Kaantaroolka Burco Walaahi Bilaahi Askar Ayaa Igu Qabsatay,Cadhaysan,oo leh Wax Allaale waxaad noo qabateen majirto,Markay sidaasi tahay,Shacabkii iyo Ciidamadii,Bilayskii Iyo Kuwii Ciidanka Qaranka ee Aaga Sare joogay,Bal ninka Shan boqol oo kun qaata ama saddex Boqol oo Kun Qaata ka waran,Muxuu Maanta cunayaa,Anagii Ugu mushahar roonayn ayaa khaatiyaan taagan,bal ka aan uba Xaadirin maxaad odhaynaysaan,Cid Umaddaasi ka naxaysaa majirto,Hort waxaan la dardaarmayaa Shacabka,Waxaan leeyahay Horta qabyaaladi ha dhacdo,”.
Waxa kale oo uu yidhi“Xukuumadii umaddan ka nixi lahayd ma joogto, waxa joogta xukuumad indho la’ oo ka shaqaysanaysa oo aan dhargayn, hadhuubkeeduna buuxsamayn, waligeen maynaan arkin noocaas oo kale, rag badan ayaa yidhaahda cidii aynu dooranay meesha ma xukunto, madaxweynaha waxaan kula talin lahaa cimrigii inyar ayaa kaaga hadhay Alle ayaa hayee laakiinse magacaagii ku dhimay dalkan, taariikh xumo ayaanad kaga tagaysaa haddii aad sii socotid iska casil dalkan madaxweyne sidaas ayaa kuu dhaanta oo kuu khayar roone, ugu yaraan ayaxan iyo diirtan ku hoosjoogtaa ha dhimatee oo umaddu ha nafistee, oo ninkaas lagula soo doortay isba waa madaxweyne ku xigeenkii oo isaga ayaa talada leh ee ku wareeji oo doorashada ha qabto, kuwani doorashana qaban maayaan oo maalintii Alle keenaba waxa la soo samaystaa shan kun oo jababac leh, cid is xisaabinaysaa ma jirto goor baa ugu danbaysay ma jirto, baanan gaar ah ayaa la buuxsaday oo lacagta soo qaata, waxaan ka baqayaa in maalin dhow ay dadku nagu gadoodaan gaar ahaana labadayadan gole iyo madaxtooyada shacbigu sidan sii eegan karimaayo.”