Somaliland: Ma Dhaba Inu Wasiir Cali Mareexaan Oo Iibinaya Bogcada Ugu Qaalisan Hargeysa + Qiimaha Uu Siisanaayo .

Date:

Wasiirka wasaarada Hawlaha guud Cali Mareexaan iyo wasiirka wasaarada caafimadka Saleeban Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa waxaa la sheegay in wakhtigan lagu jiro kala guurka ay isla garteen in ay iibinayaan mid ka mid ah goobaha ay ugu qaalisan Suuqa Hargeysa goobtaas oo ay leedahay dawladu .

Bogcadan ayaa waxaa ay tahay xarunta hooyada iyo dhalaanka taas oo ku taala badhtamaha suuqa weyn ee Hargeysa gaar ahaan agagaarka sarta dheer ee ay ku jirto shirkada Dahabshiil .

Wargeyska Hubaal oo saaka warkan ku soo baahiyey bogagiisa hore waxaa uu sheegay in uu helay wargeysku xogo xaqiiq ah oo ku saabsan dhul boobkaas uu bilaabey wasiir Cali Marexaan .

Sidoo kale qiimaha uu goobtaas ku iibinaayo Wasiir Cali Mareexaan ayaa waxaa uu wargeysku ku sheegay in ay tahay 2 Million oo Doller

Haddii ay arrinkani suurto gasho waxay ay laf jab ku tahay guuud ahaan qaranka Somaliland gaar ahaan dadka oo aan helayn adeegii caafimaad ee ay ka helayeen goobtan iibka loo qorsheeyay sidda wargysak hubaal xaqiijiyay.

Sidoo kale waxaa ay arintani ku soo beegmaysa xili uu madaxweyne Siilanyo amar ka soo saartey ilaalinta hantida umada xiligan lagu jiro kala guurka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...