Siyaasiga Cali Yuusuf,ayaa markii ugu horaysay waxa uu si furan uga hadlay Wararka sheegaya in Dr.Xuseen Bulxan oo ka mid ah aqoon-yahanka reer Somaliland uu sheegay inuu ku tagayo magaaladda Muqdisho,halkaas oo uu ka jeedin doono muxaadiro ku saabsan Qadiyada madax-banaanida Somaliland iyo is-raacii Lixdankii iyo midho-dhalka Ujeedkii wakhtigaas la lahaa.
Muj.Cali-Guray,ayaa waxa uu sheegay inuu ku taageersan yahay Dr.Bulxan talaabaddaas uu qaaday,isaga oo xusay in aanay jirin cid Somaliland uga lexlo-jeclo badani.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray,kaas oo u dhignaa sida tan;
“Dr Bulxan Qadiyadda Somaliland inta u soo halgantay ilaa haddana u halgamaysa ayuu kow ka yahay. Muqdisho iska daaye hadii ay Talaabiib ula gashana anigu ninka ku kalsoon ee ku taageersan baan ahay waayo isagu waa inta ilaalisa eh inta laga ilaaliyo maaha. Kuwii Somaliland xilalka ka hayay ayaa tegay oo weliba qadiyadii Somaliland si toos ah uga hor yimi berrina aynu ognahay inay hadii ay muraadkoodii ka soo waayaan ay iska soo noqon doonaan oy weliba madax inoo noqon doonaan. Markaa Dr Bulxan oon xil qaranka u haynin oo dadka Somaliland ay ka maarantay ka mid ahi sidii uu is yidhaa dadkaaga wax baad ku tari kartaaba anigu xor buu u yahay ayaan leeyahay ilayn Somaliland waynu aragnaa oo qof aqoon leh iyo qof daacad ah iyo intii soo halgantay waa laga maarmay wax qiimo ahna kama laha eh. Guulwade hacoo ah oo sacab madhan oo been ah u garaaca ayay madaxda Somaliland ka jecel yihiin cid kasta kuwaasina way buuxaan”.