Ciidammada Qaranka Somaliland, ayaa bilaabay fulinta Go’aamo Xukuumaddu Xal ugu raadinayso Colaad u dhaxeysa laba beelood oo dhowr jeer ku dagaalamay Deegaanka Dharkeyn-geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool.
Ciidammada Qaranka oo qodob qodob u fulinaya Go’aammada Xukuumaddu Xalka kaga gaadhayso Colaadda labada beelood ee Qayaad iyo Baharar-same (Dhulbahante), ayaa waxay ku guuleysteen inay deegaannadii lagu dagaalamay ka soo qaadaan Maleeshiyaadkii labada Beelood ee Dhowrka Jeer dagaalamay iyo Ciidamo kale oo halkaa wakhti hore lagu qarameeyay, waxaana taa beddelkeeda Ciidamo Milletari ah la dejiyey Degmooyinka Dharkeyn-geeye iyo Saax-dheer oo labada Beelood kala deggan yihiin.
Sidaana waxa sheegay Taliyaha Aagga Bari ee Ciidammada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cali Barre oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Taliyaha Aagga Bari ee Ciidammada Qaranka oo faahfaahinaya Tallaabooyinka ay illaa hadda qaadeen ee ku taxaluqa dedaalka Nabadeed ee labada Beelood laga dhex wado, ayaa yidhi “Qodobbadii lagu soo afjarayey Colaadda labada Beelood waxa ugu muhiimsanaa in Ciidammada Qaranku tagaan Saax-dheer iyo Dharkeyn-geeye waanay degeen (Ciidammadu), Qodobka labaadna wuxuu ahaa in la soo qaado Ciidan-beeleedkii Qaramaysnaa ee Lacagta qaadan jiray ee joogay Kalabaydh iyo Dharkeyn-geeye, kuwaana waa la soo qaaday. Maleeshiyaadkii Reerku Gacanta ku hayey iyagana waa la soo qaaday.”
Taliye Cali Barre wuxuu sheegay in hadda wixii la sugaaba ay yihiin in Odayaasha iyo Culimada ku jira dhexdhexaadinta labada Beelood ay hawshooda bilaabaan, “Imika waxa la sugayaa Odayaashii iyo Culimadii dhexdhexaadinta waday inay hawshoodii qabsadaan, iyagana waanu is-waraysannay, Xogtiina waanu siinay, iyaguna waxay noo sheegeen sidii ay u hawl-geli lahaayeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Wefti uu hoggaaminayo Badhasaabka Gobolka War-dheer ee Kililka Soomaalida Itoobiya iyo Wefti uu Hoggaaminayo Badhasaabka Gobolka Sool ee Somaliland ay Degmooyinka Saax-dheer iyo Dharkeyn-geeye ku kulmeen isla-markaana kaga wada-hadleen sidii looga wada-shaqeyn lahaa Nabadgalyada deegaanka.
Taliyuhu wuxuu u Mahad-naqay Odayaasha iyo Waxgaradka deegaannada la geeyay Ciidammada Qaranka, kuwaasi oo uu sheegay inay si wanaagsan u soo dhaweeyeen Ciidammada, lana shaqeeyeen.