Deg Deg: Xaaladdii Ugu Danbaysay Ee Hablihii Qurbajooga Ahaa Ee Ingiriiska Iyo Booliska Somaliland Ka Kaxaysteen Dugsi Ku Yaala Magaalada Hargeysa

Date:

Ilo wareedyo u dhuun daloola dhacdada 19 hablood ee Qurba-joog ahaa ee Reer Somaliland ee ay dhawaan ciidamo Ingiriis ah iyo Booliska Somaliland goor habeen ah ka kaxaysteen dugsi waxbarasho oo kuwa la seexdo ah oo ku yaala xaafada Jigjiga ayaa sheegaya in laba kamid ah hablahaasi ay dawlada Denmark  shalay ka kaxaysatay Hargeysa isla markaana ay dib ugu celisey halkii ay ka yimaadeen.

Wararkan ayaa sheegaya In labadan Hablood ee ay dawlada Denmark ay qaadatay ay kala hadleen Xukuumadda Somaliland kadib markii ay wada hadal ka galeen sidii hablahaas dib loogu celin lahaa dalkii ay ka yimaadeen,taas oo  ay xukuumadda Somaliland-na ay aqbashay sida ay sheegeen qaar kamid ah ehelada hablahaasi.

17-kii hablood ee kale ayaa wali ku jira gacanta Booliska iyo saraakiiisha Ingiriiska ee Hargeysa u jooga dawlada Ingiriiska,waxaana ka dhex taagan xukuumadda Somaliland,Booliska,Ingiriiska iyo waliba waalidka dhalay hablahan xaalad cakiran oo la xidhiidha sababta loo haysto iyo waxa loo soo xidhay.Doodaha jira ee lagu soo warinayo ayaa sheegaya in aan habayaraatee aanay jirin ci og goobta ay ku sugan yihiin hablahani isla markaana waalidka dhalay laga qarinayo oo aan loo ogolayn,wallow ay wararka qaar soo baxayaa oo aan la xaqiijini ay sheegayaan in hablahani dhamaantood ay gacanta ugu jiraan  Saraakiishan ciidan ee dalka Ingiriiska ka socday.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdadan,waxaana la sheegayaa inay saamaysay waalidka iyo caruur ku sugan dalka Ingiriiska isla markaana qaarkood dawlada Ingiriisku laba wareegtay kadib hawl galkan Hargeysa ka dhacay oo lagu eedaynayo inay waalidka hablahan dhalay ay sabab u ahaayeen in ay ku xareeyaan dugsigan laga soo qabqabtay oo dawlada Ingiriisku ilaa hadda u aqoonsan tahay in lagu barayey falal argagaxisinimo.

Halka ay waalidiinta hablahan dhalay ay ku doodayaan in lagu barayey Diinta Islaamka iyo dhaqanka reer Somaliland madaama dhibaato fara badani dadka Qurbaha ka qabsato dhaqamada dalalka ay u qaxeen iyo Diimahooda.

Si kasteba ha ahaatee Xukuumadda Somaliland iyo dawladaha kale ee ajaanibka ah ee isku haysta Hablahan 19 ah ee lagala baxay habeenka dugsigii ay ku jireen ayaanay midkoodna ka hadlin oo aanu war kasoo saarin Kiiskan,ilaa haddana ma muuqato dhinacyada mid dacwad ka furtay Garsoorka madaama arrinkani yahay arrin xasaasi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...