Xisbiyada KULMIYE Iyo WADDANI Oo U Muuqday Inay Ku Kala Calaf Qaadeen Loolanka Gobolada Saaxil Iyo Awdal

Date:

Maxaa Ka Jira In Safarka Qarsoodiga Ah Ee Guddoomiye Muuse Biixi Ku Joogo Addis Ababa Uu La Xidhiidho Wixii Xisbigiisu Kala Kulmey Gobolada Awdal iyo Saaxil?

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa siweyn ugaga awood roonaaday dhigiisa KULMIYE gobolada Awdal iyo Saaxil, oo hadda ay ka soconayso qaadashada kaadhka codbixintu.

Gobolka Awdal oo uu ka soo jeedo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici in kasta oo cabasho ka soo yeedhaysay dhinaca qaadashada kaadhadhka codbixiyaasha, hadana waxa soo baxay dareenkooda tageero ee ay u hayaan Xisbiga WADDANI, halka Xisbiga KULMIYE oo wasiiro ka soo jeeda Gobolka Awdal iyo Xildhibaano taabacsan Xukuumadda oo ku sugana Gobolka Awdal ay la kulmeen doonis la’aan kakan oo dadweynaha degaankaasi u hayaan Xisbul Xaakimka.

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isaguna maalin ka hor bilawga kaadh qaybinta booqasho ku tagay Gobolka Awdal si uu uga qaybgalo tageerayaal ku soo biiri laha Xisbiga KULMIYE, ayaa la kulmay wax ka duwan wixii loo sheegay. Sida uu warar hoose ku helay Wargayska Somalilandtoday, Murashaxa Xisbiga KULMIYE ayaa canaan dhegaha goostay xubnihii ku soo casuumay Xaflada, isagoo xaqiiqsaday in wax aan jirin loo caano muuseeyay.

Geesta kale Gobolka Saaxil oo kamid ah Gobolada codkooda uu ku xisaabtamaayay Xisbiga KULMIYE ayaa muujiyay dareen ka gedisan gabi ahaanba sheegashadii KULMIYE. Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo socdaal saddex maal mood qaatay ku joogay Saaxil ayaa qaabilay badi tageerada Gobol xeebeedka Berbera oo u soo jabtay dhinaciisa, taas oo keentay inay socdaalo habaqle iyo hanbabar ah ku tagaan shalay xubno uu horkacaayo Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, iyadoo uu Berbera ku suganyahay hoggaamiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan oo isna abaabul ka waday Gobolka.

Kasbashada tageerada shacbiga ee WADDANI waxay kaga falceliyeen Murashaxiinta KULMIYE iyo qoorweynta tageerta dagaal loo adeegsanaayo dhaqaalihii ugu badnaa ee siyaasad lagu bixiyo, kaas oo lagu soo qaaday masuuliyiinta WADDANI. Siday xaqiijinayaan wararka aanu ka helayno dhaq-dhaqaaqyada labada Xisbi, ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan WADDANI oo u gacan gashay KULMIYE balse masuuliyiin kala duwan ayay xidhiidh la soo sameeyeen xubnaha dilaalida siyaasadda u qaabilsan KULMIYE.

Dhinaca kale Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa safar aan la shaacin u jeedadiisa oo u muuqda gabasho ninweyn oo uu kaga gabanaayo waji gabaxyada Awdal iyo Saaxil Xisbigiisa ka soo gaadhay wuxuu ku jooga caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis-ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...