Somaliland: Hargeysa, Ciidamo Booliis Ah Iyo Ajaanib La Socday Oo Xalay Iskuul Boodhin Ah Kala Baxay Labaatan Hablood Oo Qurbajoog Ah” Yaab

Date:

Warar ka soo baxaya qaar ka mid ah waalidiinta labaatan Hablood oo ay xalay ciidamo Booliis ahi kala baxeen iskuul kuwa la seexdo ah ayaa sheegaya in hablahoodii ay la yihiin, isla markaana ay haystaan ajaanib la socotay Ciidamadaas, sida ay ku doodeen waalidiin ka gaabsaday in magacyadooda la sheego.

Wararka Waaheen ay ka heshay Waalidiintaas ayaa sheegaya in habeen hore maqribkii hablooda lagala baxay iskuulka ay dhiganayeen oo ku yaala xaafadda Jigjiga yar, halkaas oo ay dhigtaan arday hablo ah oo ka soo laabtay Qurbaha, isla markaana lagu baro Qur’aanka iyo Axaadiista si dhaqan celin loogu sameeyo.

Ilo wareedkan ayaa sheegaya in aan illaa hada la ogayn meel ay ku sugan yihiin hablahaasi, hase yeeshee xalay, illaa manta meelo kala duwan kolba la gaynayey, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in su’aalo la weydiinayo.

Waalidiinta iyo Xukuumadda Somaliland midkoodna war rasmi ah kamay soo saarin arrintan, hase yeeshee wararka qaarkood ayaa sheegaya in ajaaniibta la socotay Booliiska hawl-galka fuliyey ay ku doodayaan inay Hablahan ku celinayaan dalalkii ay ka yimaadeen, halka waalidka iyo xukuumaddu-na ku doodayso Hablahan inaan dalka laga saari Karin.

Dhacdadan oo ah tii nooceeda ah ee ka dhacda dalka, waxa la hadal hayaa sababta loo haysto inay la xidhiidho Ajaaniibta oo ku doodaysa in lagu barayey iskuulka falal argagixisnimo, hase yeeshee waalidiinta ayaa sheegaya inay ardaydoodani yihiin kuwa lagu barbaarinayo Diinta Islaamka, Dhaqanka iyo Af-ka Somaliga.

Dugisgan oo ay leeyihiin Qoys Qurbajoog ah waxa la sheegayaa inay ka Diiwaangashan yihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo Diinta iyo Aw-qaafta.

Wargeyska Waaheen waxa uu isku dayey in uu arrintan wax ka weydiiyo saraakiil ka tirsan ciidamadda Amaanka, hase yeeshee way ka gaabsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...