Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in shalay galinkii danbe ay deegaanka Widh-widh ee gobolkaasi ay soo gaadheen xubno saraakiil ciidan iyo Xildhibaano iskugu jira kuwaas oo ka socda maamulka Puntland.
Waxaana xubnahan oo ka kooban 5 qof oo kala ah saddex sarkaal oo ciidanka Maamulka Puntland ah, Hal xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Maamulkaasi iyo waliba masuul kale oo isaguna ka tirsan xukuumadda maamulka Cabdiwali Gaas laguna magacaabo Cabdirashiid Goombaro lana sheegay inuu ka tirsan wasaaradda Waxbarashada maamulkaasi,waxaana ay shalay galinkii danbe soo gaadheen deegaanka Widh-widh oo ka tirsan gobolka Sool oo mudooyinkii u danbeeyey xarun u ahayd horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh.
Ujeedada socdaalka xubnahan maamulka Puntland ka tirsan oo ilaa hadda aan wax war ah kasoo bixin ayaa haddana xogo aan helaynaa ay noo sheegayaan in uu salka ku hayo sidii ay kulamo ula qaadan laahaayeen odayaasha,waxgaradka iyo dadwaynaha deegaanka isla markaana ay uga waraysan lahaayeen xaaladdooda nololeed iyaga oo ku daba dhuumanaya inay gurmad usoo wadaan oo maamulka Puntland soo gaadhsiinayaan dadka deegaankan.
Xaaladda deegaanada bariga Somaliland ayaa ah mid adag oo ay khatar ku jirto xaalada dadka deegaanadaasi oo abaartii ay usii dheeraatay xanuunada Shuban Biyoodka iyo jadeecada oo faro baas ku haya bulshooyinka ay abaaruhu caydheeyeen.
Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadal kana jawaabin farogalinta qaawan ee maamulkaasi Puntland ku hayaan deegaanada xuduuda Somaliland oo ay tiroba dhawr jeer masuuliyiin ka socda maamulka Puntland kusoo noqnoqdeen oo ay yimaadeen,waxaana naloo sheegay in ciidamada qaranka Somaliland ay usoo dhaqaaqeen deegaankaasi Widh-widh ee gobolka Sool.Lamana garanayo sida ay xaaladdu isku badali doonto hadii ay deegaanka ku kulmaan ciidamada qaranka Somaliland iyo xubnahan iskugu jira xildhibaanada iyo saraakiisha ciidan ee ka socda maamulka Puntland.