Somaliland: Kaftankii Guddoomiye Cirro Iyo Odayaasha Reer Saaxil Maxa Kale Qabsaday?

Date:

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maqaaxida Baraada ee ku taala badhtamaha magaalada Berbera kala shaaheeyey boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladdaasi.

Guddoomiye Cirro oo ay wehelinaayeen qaar ka mid ah madaxda Xisbiga WADDANI, ayaa waxa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey odeyada, dhallinyarada iyo weli ba dadweynahii kale ee ku sugnaa meheraddaasi iyaga oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada uu ugu yimi guddoomiye Cirro isla mar ahaantaana ay u muujinaysa sida uu ka Murashax ahaan uu u daneynaayo in uu dareen dhow la wadaago duruufaha nololeed ee shacabka ku dhaqan magaalada Berbera.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna dhankiisa la hadlaayey qaar ka mid ah dadweynahaasi, ayaa isna muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in uu soo booqdo dadweynaha ku sugnaa meheraddaasi oo uu tilmaamay in maadaama uu yaha Murashax reer Berbera ah ay khasab tahay in uu si xog-oggaalnimo ah uga war hayo xaaladda dhabta ah ee shacabkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...