Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa Gelinkii hore ee Shalay xabsiga u taxaabay Cabdillaahi Axmed Maxamed (Daamur) oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI, sidaana waxa Xaqiijyey Masuuliyiin ka mid ah Xisbigaasi.
Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ee ka hadlay Xadhigga Booliisku kula kaceen Masuulka ka tirsan Xisbigaasi, ayaa sheegay in Ciidammo Booliis ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Saldhigga dhexe ee Booliiska Hargeysa ay Masuuliyiin Xisbiga ah ugu soo galeen Gudaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo ay u joogeen dhegaysiga Dacwad loo haysto Guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee Xisbigaa Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayaha Ciyaaraha Yoonis Axmed Yoonis oo Muddo xidhnaa, isla-markaana ay Masuuliyiintii Xisbiga u sheegeen inay raadinayaan Xubno ka mid ah Xisbiga WADDANI oo uu ka mid yahay Cabdillaahi Axmed Daamur, laakiin Arrintaasi ay markiiba u gudbiyeen Garsoorihii waday Dacwadda labada Masuul ee ay dhegaysigeeda halkaasi u joogeen, markaa ka dibna uu Garsooraha Maxkamaddu uu Ciidammadii ku amray in aanay wax Tallaabo ah qaadin oo aanay xidhin Cid ka mid ah Xisbiga.
Hasa-ahaatee markii ay dibadda uga soo baxeen Maxkamadda ay Ciidammadu hujuumeen Xubnihii Xisbiga WADDANI, kuna rideen Rasaas badan, markaasi ka dibna qabteen Cabdillaahi Axmed Daamur oo ka mid ah Hoggaanka Xisbigaasi, aadna u garaaceen Masuuliyiin ka mid Xisbiga oo halkaasi ku sugnaa, kuwaasi oo ay sheegeen in qaarkood la dhigay Cisbitaal.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Xadhigga Masuulka ka midka ah Hoggaanka Xisbiga WADDANI ka dib, la hadlay Saxaafadda ayaa isagoo sharraxaad ka bixinaya sifihii Booliisku u maray Xadhigga Cabdillaahi Axmed Daamur, wuxuu yidhi “Masuuliyiinta Xisbiga oo fadhiya Maxkamadda lagu dhegaysanayey Dacwadda Labada Masuul ee Xisbiga ka Xidhan, ayuu Maxkamadda soo weerarray Taliyaha Saldhigga Boolisku, isagoo Xubno ka mid ah Xisbiga u sheegay inay doon-doonayaan, mar kasta oo ay Gacanta ku dhigaana ay Xidhi doonaan, Xadhigga Nimanka ay hadda hayaan (ee dhegaysiga Dacwaddoodu bilaabantayna) aanu noqon doonin kii ugu dambeeyay. Arrintaasi waxa Xisbigu u gudbiyey Garsoorihii Maxkamadda Gobolka ee dacwadda oogayey, isaguna wuxuu amar ku bixiyey in aan wax Tallaabo ah laga qaadin Cabdillaahi Axmed Daamur oo ah Xubintaa imika xidhan, ee ku biiray xubnihii hore Gardarrada ugu xidhnaa.”
Cabdirisaaq Khaliif wuxuu sheegay in Taliyaha uu sheegay inuu Maxkamadda ugu soo galay u muuqday in la soo diray, “Waxa ka muuqatay Taliyaha Saldhigga inuu ahaa Nin la soo diray, Ciidankuna hore u doon-doonayeen Ninkaa (Daamur) oo Hoggaanka Xisbiga ka tirsan iyo Xubno kale oo uu Magacaabay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markii aanu is nidhi Maxkamadda ka baxa, ayaa Ciidanku weerar soo qaadeen, Rasaas illaa Boqol Xabbo ahna rideen, Qori dabadiina la dhacaan Xubnihii Hoggaanka iyo dhammaan Xubnihii meesha joogay, Ragga qaarkood waa dhaawac oo dhakhtarkaa la dhigay.”
Mr. Khaliif oo hadalkiisa sii wataa wuxuu ku dooday in Arrintani muujinayso in Xukuumaddu ku fashilantay inay ilaaliso xuquuqda xisbiyada, “Arrintaasi waxay muujinaysaa sida Xukuumaddu ugu fashilantay inay ilaaliso Xuquuqdii Xisbiyada Qaranka, siday ugu fashilantay. Sidaa darteed, Maxkamadda waxaanu u soo jeedinaynaa in Tallaabada ay ka qaadeyso Xubnaha Xidhan inay Caddaalad helaan, annaga oo aan marnaba Garsoorka ka qabin (Caddaalad-darro).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu meel adag gaadhsiiyey Xadhigga Masuuliyiinta Xisbigaas ka midka ah, “Xisbi ahaan waxaanu Caddaynaynaa in aanaan marnaba Arrintaa Aqbali doonin (Xadhigga Masuuliyiinta), in aanaan Marnaba luqunta Laalaadin doonin, oo hadday Xukuumaddu iclaamiso Dagaal, Xisbiguna uu iclaamin doonaa Dagaal la mid ah ka ay iclaamiyaan, taasina waxay Dalka u horseedi doontaa Masiibo iyo dhibaato aan laga soo kaban…”
Laakiin, Ciidanka Booliska oo ka hadlay Dambiga lagu xidhay Siyaasi Cabdillaahi Axmed Daamur oo ka mid ah Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in Mr. Daamur la qabtay oo la xidhay markii uu Dil ugu hanjabay Taliyaha Saldhigga dhexe ee Booliiska ee Magaalada Hargeysa Maxamed-casse.
Afhayeenka Ciidammada Booliiska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Eedaysanaha xidhan oo loo yaqaan Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur) waxa uu si ula kac ah u weeraray Taliyaha saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa Gaanshaale Maxamed Ismaaciil (Maxamed-Casse) waxaanu ku yidhi ‘Xabbad ayaan madaxa kaaga dhufanayaa’ isaga oo sarkaalkaasi ku guda jira xilkii qaranku u igmaday, taasi oo ah mid ka baxsan nidaamka sharciga, markii laga dareeray maxkamadda ayey ciidanku ninkaas ka soo qabteen debadda “
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland wuxuu faahfaahiyey sida marka hore uu ku bilaabmay muranka keenay Xadhigga Daamur, “Markii dadweynaha loo fasaxay inay fadhiistan hoolka Maxkamadda si ay u dhegaystaan dacwadda labada Eedaysane ee kala ah Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Yoonis Axmed Yoonis waxaa buuq iyo sawaxan halkaa ka bilaabay nimankii ka socday xisbiga Waddani oo ay ka mid ahayeen kuwii doraad saxaafadda la hadlayey iyaga oo u adkaysan waayey eeddii uu kusoo oogay Xafiiska Xeer ilaalinta qaranku. Niman abaabulan oo ka tirsan xisbiga Waddani oo hoolka maxkamadda fadhiyey waxa ay ciidankii ku soo qaadeen weerar ay u adeegsadeen dhagaxaan iyo ulo, waxayna dhaawacyo u gaysteen qaar ka tirsan ciidanka booliska”
Afhayeenka Booliisku wuxuu farriin u diray Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, “Waxaan leenahay war ha noqonina Hasha Geela cunta ee cabaadda, war iska daaya ciidanka booliska oo noqda sida axsaabta kale.” Ayuu yidhi, Afhayeenka oo Xalay u warramay Warbaahinta