Waxaanu akhristayaashayada rabtaan inaanu la wadaagno oo aanu halkan ugu soo gudbino aragtiyaha iyo Faaqidaada kala duwan ee ay Shacabka Somaliland ka qabaan Saddexda Xisbi Qaran iyo Saddexda Musharax ee Hadda miiska saaran ee la iclaamiyay inay Musharaxiin ka yihiin oo ay u tartamayaan Doorashada Madaxtinimada Somaliland oo loo qoondeeyay inay dalka ka qabsoonto Dhamaadka Sanadkan aan kujirno oo bilo koobani inaga xigaan Wakhtiga ay Dalka ka qabsoomayso,iyo aragtidan oo soo kordhaysa oo Bulshadu shaqsi walba ka qabto,gaar ahaan sida uu ugu diyaarsan yahay Doorashada.
Xog ururintan iyo ogaanshiyaha Aragtida bulshadu ka qabto Musharaxiintan ayaa waxaanu ka soo xiganay goobo kala duwan, sida goobaha bulshadu ku kulanta ee ay ku shaahayso, Huteelada, Baraha Xidhiidhka Bulshada iyo Dad badan oo ay Wariyaasha Wargeyska Foore kala sheekaysteen Aragtida ay ka qabaan Musharaxiinta Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye,UCID Iyo WADDAN,sidaa darteed Waxaanu jeclaysanay inaanu idinla wadaagno Maxsuulka Aragtiyahaasi iyo waxa ay ka aaminsan yihiin Bulshadu musharaxiinta Madaxweyne ee Doorkan ee Xisbiyada Siyaasada,iyadoo durba si weyn loo dareemayo Somaliland kulaylka iyo Dabaysha Ololaha Xisbiyada ee Ku aadan Doorashada oo wakhti kooban ama bilo koobani inaga xigaan.
Waxa ay bulshadu u aragtaa Xisbiga UCID,Xisbi aan wali la shaacin Musharaxii Dhabta ahaa ee u taagnaa ama uga tartamayay Doorkan Doorashada Madaxtinimadda, Maadaama oo uu Gudoomiye Faysal Cali waraabe laba jeer hore waayay Kursigaasi oo lagaga itaal roonaaday,dhawr jeerna uu shaaciyay inaanu Mar dambe isku soo taagnayn Kursigaasi,islamarkaana loo arko Xayd xaydashadiisan dambe mid uu uga gol lahaa inuu Jamaal Cali Xuseen meesha kaga saa, balse aanay dhab ka ahayn Faysal oo uu ogyahay natiijada Codadka uu hanan doono haddii uu mar kale u soo istaago doorashadan Tartanka Madaxtinimada.
Waxa ay Aragti ahaan Baryahan dambe Bulshadu U Aragtaa Muj Muuse Biixi Cabdi,Nin diyaar u ah doorashada inuu galo oo ay dhacdo wakhtigeeda iyo inuu calafkiisa ka qaado Tartanka Madaxtinimada Doorashada Fooda inagu soo haysa,balse waxa ay bulshadu aad u hadal haysaa Caqado badan oo ka horjooga Doorashada oo ay ugu horayso Doorashada oo markale dib u dhacda, oo sida ay bulshadu u aragto wax ka sii ridaysa Taageerada uu bulshada ka haysto,Waxa kale ay bulshadu Muuse Biixi u aragtaa nin Dagaal kula jira 70-Wasiir oo aan doonayn inay Doorasho dalka ka qabsoonto,Waxaana Caqabada ugu wayn ee Muuse Biixi hortaala loo arkaa doorashada oo Wakhtigeeda dhici Wayda,taasi oo loo arko inuu isbadel ku iman karo Qorshihiisa siyaasadeed.
Bulshadu waxay u aragtaa Musharaxa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi “Cirro”Nin aanay Cadayn ujeedooyinkiisa siyaasiga ahi,Waxaanay Bulshadu ku Xamataa nin aan Diyaar u ahayn inuu Doorasho galo, marka loo eego Xilka Culus ee Gudoomiyaha Golaha ee uu ku dhegsan yahay,isagoo hore u shaaciyay inuu Xilkaasi iska casilayo marka Doorashada la mudeeyo ee ay ukala cadaadato inay Doorasho dhacayso, haddana waxa loo arkaa nin aan Doorasho Diyaar u ahayn laakiin ka shaqaynaya inay mar walba Doorashadu dib u dhacdo si ay isku nacaan Umadda iyo Xukuumadda Kulmiye dabadeedna uu fursadaasi uga faa’iidaysto,Waxa kale loo arkaa nin aan adayg Hogaamineed lahayn,Waxaanay Bulshadu inta badan Aragti ahaan iskaga mid tahay baryahan inuu dalku u baahan yahay Hogaamiye adag oo Danta Dalka ka shidaal qaata.
Somaliland: Maxay Bulshadu Ka Aaminsan Tahay Musharraxiinta Saddexda Xisbi Qaran Ee Somaliland Wakhti Kaambayn Siyaasadeed Durba Ka Istaadhmay Dalka Kadib Bilawga Qaybinta Kaadhadhka Codbixiyayaasha
Date: