Somaliland: Ma Dhabaa In mas’uuliyiintan Ka Tirsan Xisbiga Waddani Jeelka Lagu Dhex Garaacay

Date:

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa goor-dhaweyd xabsiga u taxaabay Siyaasi Cabdillaahi Daamur oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI iyaga oo sida oo kale na jidh dil xooggan u geystay xoghayahii garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Md.Aftax Siciid Jaambiir xili ay Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ay u joogeen dhageysiga dacwadda siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa Jeelka weyn ee Hargeysa.

Illaa hada lama garanaayo sababta loo xidhay mas’uuliyiintan balse sida ay dad goob-joogeyaal ahi noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in ciidamada Boolisku ay si juujuub ah gaadhiga Maxaabiista ugu tureen siyaasi Cabdillaahi Daamur halka Xoghaye Aftax oo isna garab-joogay loo geystay jidh dil aad u xooggan ka dib markii uu ciidamada weydiiyey sababta loo xidhaayo siyaasi Daamur, waxaana hada xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayaa Cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

Xadhiga siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayaa muddooyinkii dambe si aada u soo badanaayey maadaama la joogo xili kala guur ah oo ay u muuqato in ay meesha ka sii baxayso xukuumadda hada talada dalka haysa ee KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...