Somaliland: Maxa Kala Qabsaday Kulankii Shalau Ee Muuse Biixi Iyo Xirsi

Date:

Khudbad Weerar-celin U Muuqata Oo Xisri Ka Jeediyey Madal Ay Si Kadiso Ah Ugu Kulmeen Muuse Biixi Iyo Nuxurka  Hogatuskii Siyaasaddeed Ee Guddoomiyuhu Kaga Jawaabay

“Nin Baa Sodohdii Buu Yara Dhibsaday, Markaasuu Yidhi; Anigu Soddoh-Yaha Waxba Ku Odhanmaaye , Haddaanse Wax Ku Odhan Lahaa, Waxaan Ku Odhanayaa ‘Reerkeena Adaa Hor Iyo Dib-Ba U Rogay, Markaa Muusow Waxaan Ku Leeyahay [Maanta] Anigu Meel Kalaan Macalin Ka Ahaye……..” – Xirsi Cali X. Xasan

“Shalay (Arbacadii) dhaliilo siyaasi ah Oo arkayey inay xisbiga WADDANI ku khaldan yihiin baan halkan si aan gabbasho lahayn uga sheegay, inay dooddaasi mid xalaal ah ahaydna waxaan ku garanayaan Illaahay waa ka halkan maanta (Khamiis) Xirsi iskugu kaayo keenay ee…..”- Muuse Biixi Cabdi

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa jawaab   ka bixiyay hadal uu Murrashaxa XIsbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo ah Guddoomiyaha Xisbigaa u mariyay Warbaahinta Hoggaamiye Xirsi iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANi, isla markaana ah Murrashaxa Madaxweyne ee Xsibigaa. Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hadalkaa ka sheegay munaasibad ay shalay ku kulmeen isaga iyo Guddoomiye Musue Biixi oo lagu daahfuayayr Kaadh bixinta Doorashada Madaxtooyadda ee loo qorsheeyay sanadkan 2017, taasoo lagu qabtay Magaalada Boorama. Hogaamiyaha Xisbiga Waddani oo ka hadlayey munaasibadaas, ayaa hadalka ku bilaabay, “ Faysal iyo Cirra isku Madersid ahaa oo Maderisada Faysal baa ka sheekh ahaa Faysal Waxba odhan mayo Laakiin se Muusaanu isku Maderisad nahay Maderisadii Siilaanyo oo isagaa hore u sheegay oo yidhi waxaan ku jiraa Maderisadii Siilaanyo anigu imika waan ka qalin jabiyey meel kalaa lay diray oo aan macalin ka ahay, Maderisadaha had iyo jeeraale waa laysku soo gaadhaayo anna 10-sanaan ku jiray Muusena 30-sano odhan maayo wuu ku saaqiday ee wuu ku yara raagay oo qur’aanka ku adkaaday weli wuu ku jiraa, anigu se qalin jabiyey ee aan isu soo ducayno”. Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu wuxu sheegay in mucaaridku xaq u leeyihiin inay wax toosiyaan cida maamulka haysaana ay adkaysan keda yeelato “Waxaan waafaqsanahay oo shalay markan joogay iyo maanta waxba aan iska kay bedelin cidda mamulka haysa halooga danbeeyo waa sax, waxaan kaloo waafaqsanahay sida sharcigeenu farayo Role-ka uu leeyahay mucaaradku oo ah toosin mid caafimaad qabta hala yimaado, tii uun baanu wadnaa caafimaadka qabtay oo toos toosinaynaa xaq baanu u leenahay, shalayna Role-kii aan waafaqsanaa wuxuu ahaa inaan Madaxweynahayga la shaqeeyo oo dalkayga dhiso horumariyo maantana waxay tahay inaan toosiyo waliba Team-kaygii baa jooga iyo Madaxweynahaygii oo sidaas ban waliba anigu is uruurinayaa, waxaan se leeyahay Culimada islaamka mid ka midoo la yidhaahdo Sheekhul Islaam Ibnu Taymiya ayaa wuxuu leeyahay maqaalo cajiiba “ Muslimku muslimka kale wuxu u yahay labada gacmood oo kale, labada gacmood midba midbay dhaqdaa ama maydhaa marmar baanay suurto gal ahayn in wasakhda laga nadiifiyo gacantii kale ilaa la xoqo oo lagu yara xejiyo” markaa hadii laydinku xejiyo oo la yara xoqo la jabin maayee weerarna maaha, anigu Xirsi ban ahay oo wixii igu dhici jiray waydinkii garanaya adkaysta waa ayaamo yar Lixbilood oo keliya ka hadhay”. Xirsi Cali Xaaji Xasan Hogaamiyaha Waddani ayaa xusay inay waajib tahay in dadka loo gurmado cidna aan laga baryeyn waxana uu yidhi “Muusaan arkayey oo hadalkaygii damqay hadalka damqayna aan tilmaamo, Yuusuf Cabdi Gaboobe oo nin saaxiibkay ah aanu booqanay baan ka hadlayey waxan kale oo aan ka hadlayey dadka is deldeliya ee dhibaatadu soo gaadhay iyo abaartu oo aan lahaa haloo gurmado dadkeena, adaa xaga masuuliyada iga sii xiga hadaan ku idhaahdo xaq baan kugu leeyahay, ka isdeldelaya ka daciifka ah, ka buka iyo ka dhibaataysan aan dhibta ka saarno waar ma ceebay noqotay? Waliba muuse waa jaarkiisoo waa guriga ku dhegan markaa hadaan taa idhaahdo goormay ceeb noqotay? Waar dadkena aan u gurmano imikaanu ku celinaynaa”. Hogaamiye Xirsi waxa uu meesha ka saaray hadal dhawaan muuse kasoo yeedhay oo ahaa inuu awoodii wasiirnino ku takri falay wakhtigii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyada isagoo Xirsi Cali Xaaji Xasan sheegay inaanay taasi jirin isla markaanala ilaaliyo karaamda madaxweynaha “Muusa wuxuu xusay wasiirkii ugu Power-ka badnaa ba imika dhawaaqaya, Power-ka Ilaahay baa bixiya oo Power-ka had iyo jeer waan dafiraa, manaan filayn aniga iyo Muuse isku maderisad baanu ahayne inayadii isku maderisada ahayd inay yidhahdaan Madaxweynaha Power-kiisa cid kala ku shaqaysanaysa dadka kalaa nagu odhan jiray bal Muusow Madaxweynihii anigu ka tegaye Power-kiina ku shaqayso Madaxweynahana Karaamada yaan laga qaadin oo la odhanin awoodiisiiba cid kale ku shaqaysanaysaa waabu ku dhisayayaaye alle hakuu barakeeyo, Power-kii anigu ka tegay hadii beryo laygu xamanayey agtiisa, laakiin Power-ka Madaxweynaha xukuma isagaan la shaqaynayey”. Md. Xirsi Cali X. Xasan wuxuu isbarbardhig ku sameeyey wakhtiyadii kala duwanaa ee isaga iyo Muuse biixi lasoo shaqeeyeen Madaxweynayaasha Cigaal iyo Siilaanyo isagoo hoosta ka xariiqay inuu Muuse Bixii ahaa Astaanta Dagaalkii Sokeeye Xukuumadii Cigaal “Waan se kaa Nasiib badanahay Labadeena nine ee isku maderisada ah markaynu nahay ee kala yara weyn ee isku soo gaadhay, waxaad adigu soo gaadhay Madaxweynihii qaaliga ahaa Allaah yaa Arxama Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, sida Odayga Madaxweynaha laysku kaayo xejinayo bay meel kasoo wada jeedaan Muuse Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, nasiibku labadayaba wuxuu nasiiyey inan la shaqayno Labadaa Madaxweyne e Experience-ga leh ragga waxba maanu dheerayn nasiibka nasiiyey, basle nasiib ku aniga waxa uu isii siiyey Shan Sannadood iyo badh horumara inaan ka shaqeeyo 11-waddo ayaan dhisayey maalintaan ka tegay oo gacanta ku hayey iyo wixii xadhig la jarayey oo aan isleeyahay Ishaa macalinoo taa imika marag ma doon weeye anigu nasiibku taasu isiiyey, Dee Muusow iimaanso haduu nasiibku adiga kuu siiyey anigu carabka waan ka dhawrayaayoo odhan maayo dagaalkii sokeeye adaa ridaye haddii nasiibku kuu siiyey wakhti dagaal sokeeye dhacayey oo aad ku dhamaysatay labdii sannadood nasiibkaaga iimaanso ana kaasuu I siiyey, adna kasuu ku siiyey waa nasiib”. Ayuu Mr.Xirsi Yidhi Waxanu intaa ku daray “Ninbaa laga sheegay Sodohdii buu yara dhibsaday markaasuu yidhi annigu sodohyaha waxba ku odhan maaye , hadaan se wax ku odhan lahaa waxaan ku odhanaya reerkeena adaa hor iyo diba u rogay, markaa muusow waxaan ku leeyahay wakhtigii aynu Development wadnay aynu isku jaalka ahayn hadaanad dhufayska noo gelin shantaa sannadood halkan waynu kasii dheerayn lahayn maanta Nalamay tartameen iska iimanso wixii kaala kulma anigu meel kalaan macalin ka ahay”.

Jawaabta Muuse Biixi Ka Bixiyey Hadallada Xirsi Cali Xasan

Geesta kale Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, oo isaguna khudbad aad u dheer madashaasi kajeediyey ayaa isaga oo ka jawaab celinaya difaaca Xirsi ka galay hadalladiisa darraad, waxaa uu sheegay in dooddaha noocan oo kale ah iyo difaaca laga galaa ay kaalin muuqata ka galayaan tartan nadiif ah oo saaxadda doorashada ku dhex mara xisbiyada. Isaga oo ku tilmaamay in ay yihiin kuwo muujinaya bisaylka siyaasadeed ee axsaabta. Ugu horeynse Muuse Biixi Cabdi intaanu ka hadal difaaca xirsi waxaa uu  si hufan u sharraxay arrimo door ah oo ku saabsan xaaladaha dalka oo ay ka mid yihiin xafiilka iyo dhaliilaha ay isku jeediyaan siyaasiyiintu, caqabadaha iyo faa’iidooyinka ku jira doorashooyinka Somaliland, mus-dambeedka lagu muransanyahay ee la doonayo in loo sameeyo Komishanka Doorashooyinka. Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi  waxa uu sheegay in loo baahan yahay xal loo helo doorashooyinka tirada badan ee sanka isku haya ee dalka oo ay culays dhaqaale iyo mid siyaasadeedba leh, isaga oo sidoo kale hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay codbixinta shacabku ku dooranayaan madaxdooda oo ah dariiqa ay kula xisaabtamayaan dadka xilalka loo dhiibo. Ugu horrayn waxa uu xusay in marka la eego kharashka iyo tamarta ku baxay diiwaangelintii laga sameeyey dalka, qaybinta kaadhadhka codbixinta iyo doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan bisha November 2017 ay ka dhiganyihiin in saddex doorasho dalku galay, iyadoo weliba ay hadhsan yihiin doorashooyinka golayaasha kale ee qaranka oo muddo-dhaafay, sidaasi darteedna loo baahan yahay inuu xal waara oo talo qaran ku yimaada loo helo doorashooyinka badan, “Waxa inoo hadhay doorashadii Baarlamaanka oo muddo-dhaaf ah, Guuritidii iyo dawladihii Hoose oo iyaguna muddo-dhaaf galaya, qaran ahaanna waa inaynu wax iska weydiinaa in doorashooyinka aynu soo koobno oo kharashka doorashooyinka aynu yarayno, doorashadana in aynu sidan si ka dhib yar u qabsano, ileyn caalamka waxan ina haystaa cidna ma ay haystaane, dal shantii sanno ninkii madaxda ahaa ee loo doortay iyo xisbigiiba ay doorasho uun ku jiraan oo dadkiiba uu saldhigi la’yahay waa dhibaato, waxaanan ku talinayaa inaynu qaran ahaan ka fiirsanno doorashooyinkeena sidaynu u fududayn lahayn,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in doorashada dalka kusoo socotaa tahay mid go’aaminaysa sida uu qarankani u ekaan doono, isla markaana loo baahan yahay cidda kusoo baxdaa inay noqoto cid qaranku halka uu maanta joogo kor uga sii wadda, waxaannu yidhi, “Doorashadaa maanta codka aynu ku ridaynaa waxay kamid tahay waxyaabaha qeexaya qarannimada aynu doonaynaa caynka ay u ekaan doonto, codkaasina waxa uu sidaa inay dawladnimadeenu noqoto mid ka wanaagsan kuwii aynu kasoo go’nay, mid ka wanaagsan oo ka horumarsan midda aynu maanta haysanno, waayo ilmuhu wuu koraa, geedkuna wuu koraa oo wax waliba way koraan, codka uu muwaadinku bixinayaana waa inuu koriyaa qaranimada oo uu kor u qaadaa tiirarka qaranimada ee halbawlaha ah, waana inuu codkaagu gooyaa yaa ina horumarinaya.”

Waxa kaloo uu ka hadlay mus-dambeedka lagu muransan yahay ee la sheegay in loo samaynayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka, taas oo xisbiyada mucaaradku shaki iyo walaac wayn ka muujiyeen, waxaannu caddeeyey in aanay xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu toona ogolayn wax ka horimanaya awoodda sharci ee Komishanka doorashooyinka, “Erayga mus-dambeed marba waa sidii loo rogo, Madaxweynahaana khudbad uu akhriyey ku daray, fikirkaasi waxa uu yahayna xog-ogaal baan u ahaa, haddii uu yahay in Komishanka laga qaado awoodaha uu sharcigu siiyey iyo hawshooda ama lagu farogelinayo, haddii uu yahay mid lagu durayo waxqabadka Komishanka ma ogolin mus-dambeedkaas xukuumad iyo xisbi toonna umana jeednee ka bogsada. Komishanka Qarankana kalsooni buuxda ayaanu siinaynaa xukuumad iyo xisbiba, xamxam yar baa jirta oo ay qolada mucaaradku wadaan ee waad ka bogsanaysaan, anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha iyo dawladdaba si buuxda ayaanu idiinla shaqaynaynaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, waxa isagoo daba socda dhaliilo siyaasadeed oo uu u jeediyey madaxda xisbiga WADDANI uu iftiimiyey muhiimada ay leedahay inay siyaasiyiinta dalku ku cartamaan doodo bisil oo aan turxaan lahayn, taas oo uu sheegay in aanay dadku u qaadan colaad ee ay tahay dabciga dimuqraadiyadda.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Shalay (Arbacadii) waxaan halkan dhaliilo siyaasi ah oo aan u arkayey inay ku khaldan yihiin xisbiga WADDANI baan si aan gabbasho lahayn uga sheegay, berrina ka hadhimaayo wixii ay khaldaan, wixii wanaagsan ee ay sameeyaana waan ku soo dhawaynayaa, markaa inay dooddaasi mid sax oo xalaal ah ahayd waxaan ku garanayaan Ilaahay waaka halkan maanta (Khamiis) Xirsi iskugu kaayo keenay ee uu isaguna dooddiisii ka dhiibtay, waanan uga mahadnaqayaa inuu fikirkiisii dhiibtay, labadaa doodood way furan yihiin oo in badan waanu doodaynaa oo waad arkaysaan, sidaas ayaanay ku jirtaa xisbinimada iyo sida talada lagu helayaa, ha u qaadanina in la kala cadhoonayo oo la kala hoyanayo, waanu doodaynaa ee isma xamanayno, waana aragti iyo dood caafimaad qabta, dhaliilahana farta la isku saarayaa, si aanu u wada qaadano go’aan qaran oo aanu ku heshiis nahay, haddii uu qofku doodda iyo waxa hortiisa laga yidhaahdo ka xanaaqo, sidee baynu qaran u noqonaynaa? Dantuna waxa weeye wixii la isku yahay iyo wuxuu dadku lahaa waa meel, ra’yiga iyo talada fiicanina waa meel, weligeedna geedka hoostiisa waa lagu doodi jiray, garanmaayo waxa geedka iyo xisbiyada siyaasadda looga dhigayo colaad, waase wixii xisbiyada loo samaystay oo fikradahaa la isku gaynayaa oo la shiilayaa, dabadeedna waxa soo baxaya dantii qaranka.”

Ugu dambayntii, Murrashax KULMIYE waxa uu jawaab ka bixiyey hadallo mucaaridku ku sheegay in xukuumaddu ku hawllan tahay dhismaha Guddoomiye Muuse Biixi, waxaannu sheegay inay tiirarka dimuqraaddiyadda ka mid tahay masuuliyiinta xukuumad kastaa dhisto xisbigeeda, “Dawladdu ma dhisayso Muuse ee xisbiga KULMIYE iyo barnaamijkiisa ayey dhisaysaa, sharciga dimuqraaddiyada iyo siyaasadduna waxa uu sheegayaa siyaasiga laga soo doortay xisbi ee xilalka hayaa shaqada qarankana way qabanayaan, waanay ku khasban yihiin xisbigooda inay soo saaraan oo siyaasaddiisa hirgeliyaan, shakhsina ma dooranayaan, waa wax caadi ah oo adduunka ka jira, laakiin wixii shaqaale dawladeed ah iyagu maya xeerkeena ayaa ka reebaya oo waxay ku eekaanayaan shaqadooda,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...