War Deg Deg Ah: Caasimada Muqdisho Markala Qarax Xoogani Ka Dhex Hilaacay + Khasaarahi Ka Dhashay

Waxa Bilhi Ugu Danbeysa Ee Uu Madaxweyne Farmaajo Dalka Haysay Isaso Biirsanyey Qarxyo Xoogan Oo Si Is Dabe Jooga Uga Dhacaye Caasimadda Muqdisho

Qarax xooggan ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Warshadii Nacnaca ee degmada Wadajir, halkaasoo fadhiisimo ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga.

Jugta qaraxan ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo aan wali laga heyn warar dhameystiran oo ku saabsan qaraxa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in nin xidhnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee xerada, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare ka dhashay.

Ninka is qarxiyay ayaa la sheegay in xirnaa dharka ciidamada, kaasoo gudaha xerada ciidan isku qarxiyay, kaddib markii uu idlaaday tababar ka socday xerada.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo saaka ka dhaca Muqdisho, iyadoo saaka subax qarax loogu xidhay gaadhigiisa lagu dilay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada.

Comments

comments