Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminaayo, ayaa socdaal uu u jeedkiisu daaran yahay ka qeyb-galka xafladda furitaanka qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland oo 29ka April ka billaabmaysa gobalka Saaxil ugu baxay magaalada Berbera ee xarunta gobalkaasi.
Weftigan oo ay guddoomiye Cirro ku wehelinayaan guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbigaasi Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, xubno ka mid ah hoggaanada, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano, siyaasiyiin iyo weli ba madax kale oo ka tirsan Xisbigaasi, ayaa la rajeynayaa in ay muddo toddodobaado ah ay ku maqnaadaan gobalkaasi isla mar ahaantaana ay gurmad u fidin doonaan deegaanada ka tirsan gobalkaasi ee ay sida ba’an u saameysay abaartu, waxaana sida oo kale la filayaa in ay kulamo gaar gaar ah ay la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyaga oo iska xaal waraysan doonaan xaaladda dalka iyo weli ba sida oo kale siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen isbedelka uu wado Xisbiga WADDANI.
Guddoomiye Cirro iyo weftigiisa, ayaa intii ay dhexda sii socdeen waxa si diiran looggu soo dhaweeyey deegaanada hoos yimaada magaalada Berbera, kuwaasi oo ku qaabilay soo dhaweyn aad u diiran.
Ugu dambeyn, murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI iyo weftiga uu hoggaaminaayo, ayaa si weyn uga qeyb-qaadan doona wacyi-gelinta qaadashada kaadhka codbixiyeyaasha Doorashada Madaxtooyada Somaliland.