Silva & Pogba Oo Kasoo Muuqday Shax Isku Dhaf Ah Oo Laga Diyaariyay Manchester Derby Laguna Saleeyay Qiimeynta Power Ranking.

Labada Manchester ayaa habeen dambe ku kulmi doona garoonka Etihad Stadium kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo horay uga baaqday xilli labada kooxba ay dagaal ugu jiraan sidii ay ugu dhameysan lahaayeen afarta sare.

Sky Sports ayaa soo saartay shax isku dhaf ah oo ay ka diyaarisay kulankaan waxeyna ku saleysay qiimeynta Power Ranking oo ay todobaadkiiba mar qura sameyso, waxaana kasoo muuqday David Silva, Paul Pogba iyo ciyaariyahanka dhaawaca xili ciyaareedkaan ku seegaya ee Zlatan Ibrahimovic.

David De Gea ayaa kasoo muuqday goolka kaas oo barbaro kula noqday Thibaut Courtois & Hugo Lloris goolhayaha ugu shabaq ilaalinta badan madama ay min 13-jeer ilaashadeen shabaqa, sidoo kalana 31-kulan waxaa laga dhaliyay 24-gool.

Dhanka daafaca waa kala qeybsadeen labada kooxood Antonio Valencia, Daley Blind, Otamendi iyo Kolarov, sidoo kalan United waxaa looga batay dhanka khadka dhexe kaliya Paul Pogba kaliya ayey ku yeelatay iyadoo Sterling, Silva iyo De Bruyne ay City ku yeelatay.

Dhanak weerarka waa ka wada siman yahiin Zlatan Ibrahimovic iyo Sergio Aguero ayey labada koox ku leeyahiin.

Comments

comments