Arsenal vs Leicester City – Gunners Oo Rajeyneysa Iney Booska Lixaad Dib Ugu Soo Laabato.

Arsenal ayaa caawa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Leicester City kulan ka tirsan horyaalka Premier League xilli wiilasha Arsene ay dagaal ugu jiraan iney nooleeyaan rajadooda afarta sare waxeyna caawa awoodi karaan kaliya iney kusoo laabtaan booska 6-aad oo ay fadhiso Everton.

Gunners hadii ay caawa guuldareysato waxey u noqoneysaa rajo beel dhanka afarta sare ah, waana ku qasban yahiin iney guul gaaraan si hamigooda kasoo qeyb galka Champions League uu u noqdo mid xamaasad sii yeesha kulamada kale ee haray.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs Leicester City

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Garsoore: Mike Jones (England)

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)

OLOLAHA: #KulankaARSLEC – Twitter/Facebook.

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Chamberlain ayaa mari doona tijaabo si loo ogaado hadii ay suuragal tahay inuu kulankaan ciyaaro, Gunners waxey weyneysaa Ospina, Cazorla, Perez iyo Mustafi oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Dhanka kale Foxes waxey weyneysaa kabtan Morgan oo dhaawac muruqa ku seegay safarkooda London, Mendy ayaa isna inta ka dhiman xili ciyaareedkaan maqnaan doona.

Robert Huth ayaa soo laaban doona kaas oo ganaax ku seegay lugtii labaad ee quarter finalka Champions Leaguue halka Islam Slimani uu dhaawac ku maqnaan doono.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Leicester 20-jeer ayey awoodi weysay iney guul ka hesho Arsenal kulamada Premier League, 13-guuldaro iyo 7-barbaro, guusha kaliya oo ay Gunners ka gaareen waxey dhacday November 1994 (2-1).

Hadii Gunners ay garaacdo Foxes, waxey barbareyn doontaa rikoorka ugu dheer oo ay gurigeeda guulo xiriir ah kaga gaarto (Everton ayeyna la simi doonaan oo ay 10-jeer dubteen) intii u dhaxeysay 1997 ilaa 2005.

Theo Walcott ayaa shabaqa soo taabtay sadex ka mid ah afar jeer oo uu wajahay Leicester City, laba ka mid ah waa kulamada minanka kooxdiisa.

Jamie Vardy ayaa gool dhalinayay sadexdii kulan oo ay Foxes wajahdo Arsenal kulamada Premier League-ga, laba jeer ayuuna daah furay goolasha kulanka, si kastaba wali guul kama helin.

SAFKA MACQUULKA AH:

Arsenal:

Cech; Gabriel, Koscielny, Holding; Bellerin, Coquelin, Xhaka, Gibbs; Sanchez, Ozil; Welbeck

Leicester City:

Schmeichel; Simpson, Huth, Morgan, Fuchs; Mahrez, Ndidi, Drinkwater, Albrighton; Okazaki, Vardy.

 

#KulankaARSLEC – Adeegso Facebook ama Twitter – midkii kuu fudud – dareenkaaga iyo waxa kaaga aadan kulanka Arsenal iyo Leicester City, raaci Hashtag-gaas qormadaada, waa barnaamij dareenka taageerayaasha kubadda cagta soomaalida aan kusoo bandhigi doono.

Comments

comments