Somaliland: Kooxda Khaatumo Oo Ka Jawaabay Hanjaabaddii Uu Maxamuud Xaashi Ugu Goodiyay Beelaha Dhulbahante.

Date:

“Inaanu Idin Layno Oo Maydkiina Daadino Ayuunbaa Noo Hadhsan..” Maxamuud Xaashi

“Anagu 1992-kii Markii Beesha Isaaq Burco, Berbera iyo Sheekh Ku Dagaalamaysay Waanu Ka Xumayn Maantana..” Afhayeen U Hadlay Kooxda Khaatumo

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa dhawaan ku hanjabay inay xukuumaddu layn doonto beelaha dhulbahante ee nabadda diidan ama dhexdooda dagaalku ka socdo.

Afhayeen u hadlay maamulka Khaatumo oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka jawaabay hadalkaasi wasiirka, waxaana uu sheegay inuu hadalkaasi abuurayo naxli farabadan iyo inaan sidoo kale hanjabaadda noocaasi ahi qabanin beelo walaalo ah oo diriri u dhaxayso.

Afhayeenka Khaatumo u hadlay ayaa sheegay inay beelaha Dhulbahante si fiican nabadda uga shaqeeyeen markii beesha dhexe dagaalku u dhexeeyey, isagoo arrimahaas ka hadlayna waxa uu yidhi:

“wuxuu yidhi, ma waxaad doonaysaan inaanu idin layno, oo aanu idin baabi’ino, waxaan leeyahay hadalkaasi maaha hadal nin masuul ahi ku hadlo, waliba uu la yimaado meel wanaag laga doonaayo oo uu hadaladaas xanafta leh kaga hadlo, waxaan leeyahay dagaal sokeeyey meel kasta wuu soo maray, waad ogayd oo kii 1992 ka socday magaalada Burco, Berbera iyo Sheekh ee beeshaas balaadhan ee Isaaq dhexmaray anagu waanu ka xumayn sidii wanaagsanayd ee uu allaha ha u naxariistee garaad Cabdiqani ka qaatay-na (waa la ogaa), markaa Abtiyoow (Maxamuud Xaashi) jooji kelmadaha noocaas ah dadkana ka raaligali hanjabaad inaas le’eg oo aad ku faanto waanu idin laynaynaa dee dambiyo dagaal bay noqonaysaabee arrintaas ka noqo”

Hanjabaadda uu wasiirka Madaxtooyada Somaliland u jeediyey beelaha dhulbahante ee dagaalku dhexmaray ayaa u dhignayd sidan:

“hal shay uunbaa noo dhiman waana inaanu idin layno oo mayd badan oo idinka ah aanu daadino waxaa hareerihiina wiil qoro madaw sita, iyadoo waliba halkani (Sool) aanay deegaankiisii ahayn ee duruufta qaba ayaa idin dul taagan, waa ciidankii loogu talo galay haddii cadaw shisheeyey uu dibad inagaga yimaado ina difaacaan ayaa maanta dhexdiina taagan”.

Inkastoo uu wasiirku macno ahaan ujeeday in sida qudha ee beelahaas lagu kala celin karaa ay tahay awood dawladnimo hadana hadalkiisa iyo cunfiga ka muuqda ayaa beeri kara inuu sii kordho nacaybka u dhexeeya shacbiga Somaliland qaarkood ee marka horeba fekradaha khaldan aaminsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...