India: Kooxaha Shuuciyiinta oo weerar ku dilay 24 askari

Kooxaha Shuuciyiinta ah ee loo yaqaan (Maoist) ee ka dagaalamaya bartamaha iyo bariga dalka India ayaa weerar ku dilay ugu yaraan 24 askari oo illaalineysay dhismo ka socday wado ku taal gobalka Chhattisgarh state ee bartamaha Hindiya.

Weerarkan ayaa ah kii ugu cuslaa oo tiro badan looga dilo ciidamada dowlada India oo muddooyinkii danbe dagaalo kula jirtay kooxo Jamhado ah oo ka dhex sameysay gobalada bariga iyo bartamaha wadankaasi.

Kooxahan ayaa muddo 30 sano ah ka dagaalamayey bartamaha iyo bariga India, waxayna sheegaan inay u dagaalamayaan xuquuqda qabaa’ilada dhulkaasi ku dhaqan, waxayna sidoo kale lacago baad ah ka qaadaan dadka deegaankaasi ku nool.

Raysalwasaaraha Narendra Modi ayaa si adag u cambaareeyey weerarkan isagoona bartiisa twitterka kusoo qoray fariimo dhawr ah oo uu uga hadlay weerarkaasi lagu dilay askarta dowlada India.

Comments

comments