Somaliland: Xaalada Laascaanod Oo Maraysa Meel Halis Ah, Oo Ay Joogan Ciidamadi Puntland + Kuwi Somaliya + Colaad Ka Taaga,,

Date:

Xaalada Magaalada Laascaanod Oo Maraysa Meel Xun Goor ay ka sitadhan yihiin colaado joogto ah iyo ciidamadi puntland oo abaaaraha ka jira awgad uso galay + Madax-dhaqameedki somaliya oo saf ugu soo jira iyo xaalada oo cakiran

Wararka naga soo gaadhaya Laascaanood ayaa waxay sheeagayaan in odayaal dhaqameed ka socda Somaliya ay shalay galinkii danbe si qarsoodi ah u yimaadeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Waxaana madaxdhaqameedkani oo tiradooda naloogu sheegay ilaa Lix Madax-dhaqameed oo iskugu jira odayaal iyo Cuqaal ayaa waxay diyaaradd kaga soo dageen magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland iyaga oo intaasi ka dibna sida naloo sheegay gaadhi kasoo raacay Garoowe soona gaadhay Laascaanood.

Ujeedada ay madax-dhaqameedkani u yimaadeen Laascaanood ayaa waxa lagu sheegay ka qayb qaadashada dhex-dhexaadinta,nabadaynta iyo isku soo dhawaynta Beelaha walaalaha ah ee colaada sokeeye ku dhex marayso Deegaanada Koonfurta gobolka Sool taas oo muddo dheer soo jiitamaysay isla markaana sababtay khasaare Dhimasho iyo Dhaawacba leh oo aad u tiro badan.

Odayaashan ayaa inta ay ku sugan yihiin Laascaanood waxay kulamo la qaadan doonaan sida xoguhu sheegayaan madax-dhaqameedka iyo odayaasha Labada Beelood ee Baharsame iyo Qayaad (Dhulbahante) ee ku diriraya Koonfurta gobolka Sool.

Xukuumadda Somaliland Ayaan la garanayn inay ogtahay iyo In kale madax-dhaqameedkan socdaalka ku yimi Laascaanood ee ka socda Muqdisho,ilaa haddana ma jirto wax faah-faahin ah oo kasoo baxday madax-dhaqameedkani.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...