Xaalada Magaalada Laascaanod Oo Maraysa Meel Xun Goor ay ka sitadhan yihiin colaado joogto ah iyo ciidamadi puntland oo abaaaraha ka jira awgad uso galay + Madax-dhaqameedki somaliya oo saf ugu soo jira iyo xaalada oo cakiran
Wararka naga soo gaadhaya Laascaanood ayaa waxay sheeagayaan in odayaal dhaqameed ka socda Somaliya ay shalay galinkii danbe si qarsoodi ah u yimaadeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxaana madaxdhaqameedkani oo tiradooda naloogu sheegay ilaa Lix Madax-dhaqameed oo iskugu jira odayaal iyo Cuqaal ayaa waxay diyaaradd kaga soo dageen magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland iyaga oo intaasi ka dibna sida naloo sheegay gaadhi kasoo raacay Garoowe soona gaadhay Laascaanood.
Ujeedada ay madax-dhaqameedkani u yimaadeen Laascaanood ayaa waxa lagu sheegay ka qayb qaadashada dhex-dhexaadinta,nabadaynta iyo isku soo dhawaynta Beelaha walaalaha ah ee colaada sokeeye ku dhex marayso Deegaanada Koonfurta gobolka Sool taas oo muddo dheer soo jiitamaysay isla markaana sababtay khasaare Dhimasho iyo Dhaawacba leh oo aad u tiro badan.
Odayaashan ayaa inta ay ku sugan yihiin Laascaanood waxay kulamo la qaadan doonaan sida xoguhu sheegayaan madax-dhaqameedka iyo odayaasha Labada Beelood ee Baharsame iyo Qayaad (Dhulbahante) ee ku diriraya Koonfurta gobolka Sool.
Xukuumadda Somaliland Ayaan la garanayn inay ogtahay iyo In kale madax-dhaqameedkan socdaalka ku yimi Laascaanood ee ka socda Muqdisho,ilaa haddana ma jirto wax faah-faahin ah oo kasoo baxday madax-dhaqameedkani.