War Deg Deg Ah: Askar Ka Tirsan Ciidamada Puntland Oo Qarax Miino Lagu Dilay

9 askari  oo ka tirsan Ciidamadda milateriga soomaaliyeed ee Puntland ayaa  geeriyooday ka dib markii baabuurkii ay wateen ay la kacday miino lagu aasay wado dhinaceeda degaanka Galgala ee Puntland, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay shan  askari oo kale

Taliyaha booliska Galgala Gashaanle dhexe Cabdiraxmaan Faarax Gurxan oo waraysi siiyay Idaacadda SBC ayaa  xaqiijiyay geerida askarta, wuxuuna sheegay in miinada lagu  bartilmaameedsaday Gawaarida milateriga  iyo ciidamadda ka howlgala aaga galgala ee dagaalka kula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

“qaraxani  wuxuu dhacay abaarihii 9;oo subaxnimo, wax yar ka dib markii  ciidamadaasi iyo baabuurkii ay wateen ay ka soo baxeen magaaladda Galgala, waxaan ku dhintay 9 askari, 5 kalena waa ku dhaawacmeen” ayuu yiri Taliyuhu.

Wuxuu sheegay in ciidamadan ay isugu jireen ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Badda Puntland, kuwasoo uu sheegay inay  ku sii jeedeen  Magaaladda Bosaso.

Ma jirto ilaa iyo hadda Cid sheegatay inay ka dambeeyeen weerarkaasi lagu dilay askarta, hase yeeshee Kooxda Al-shabaab ayaa ka howlgasha degaamadaasi oo muddo 7 sanno dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah kula jirtay Ciidamadda Puntland.

Comments

comments