Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid Vs Barcelona, Zidane Oo Shaxdiisa Ugu Xoogan Soo Xushay Ayaase Badalay Neymar JR?

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku soo dhawaynaysa kooxda ay sida wayn koobka La Ligaha ugu xifiltamayaan ee Barcelona. Real Madrid ayaa haysata fursad wayn oo ay ugu yaraan ku sii xejisan karto saddexda dhibcood ee ay hogaanka La Ligaha ku hayso waxayna sidoo kale hoganaka ku qabtan kartaa lix dhibcood haddii ay guul ka gaadho Barcelona.

Sidoo kale Barcelona ayuu kulankani uga dhigan yahay final ay xili ciyaareedkeeda ku badbaadsan karto waxayna guul ay gaadho Barcelona sabab u noqon kartaa in si xoogan ay iskugu dhegsanaan karaan Real Madrid. Kulankan ayaa si wayn u go’aamin kara jahada uu koobka La Liga u socon doono.

Tababare Zidane ayaa kuankan ku soo galay shaxdiisa ugu xoogan ee uu heli karayay waxaana goolka ku jira Navas halka afarta difaaca ah ku soo wada bilawdeen Ramos, Nacho, Marcelo iyo Carvajal waxaana dhexda ku wada jira Casemiro, Kroos iyo Modric halka weerarka ay hogaaminayan BBC.

Dhinaca Barcelona waxaa goolka ku jira Ter Stegen waxaana dfiaaca ku soo wada bialwday Pique, Umtiti, Sergi Roberto iyo Jordi Alba waxaana saddexda khadka dhexe kuwada jira Busquets, Iniesta iyo Rakitic halka Neymar JR uu badalay Paco Alcacer waxaana weerarka kula jira Messi iyo Suarez. Waxayna labada kooxoodba ku ciyaari doonaan shaxda 4-3-3.

Comments

comments