9 askari oo ka tirsan Ciidamadda milateriga soomaaliyeed ee Puntland ayaa geeriyooday ka dib markii baabuurkii ay wateen ay la kacday miino lagu aasay wado dhinaceeda degaanka Galgala ee Puntland, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay shan askari oo kale
Taliyaha booliska Galgala Gashaanle dhexe Cabdiraxmaan Faarax Gurxan oo waraysi siiyay Idaacadda SBC ayaa xaqiijiyay geerida askarta, wuxuuna sheegay in miinada lagu bartilmaameedsaday Gawaarida milateriga iyo ciidamadda ka howlgala aaga galgala ee dagaalka kula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.
“qaraxani wuxuu dhacay abaarihii 9;oo subaxnimo, wax yar ka dib markii ciidamadaasi iyo baabuurkii ay wateen ay ka soo baxeen magaaladda Galgala, waxaan ku dhintay 9 askari, 5 kalena waa ku dhaawacmeen” ayuu yiri Taliyuhu.
Wuxuu sheegay in ciidamadan ay isugu jireen ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Badda Puntland, kuwasoo uu sheegay inay ku sii jeedeen Magaaladda Bosaso.
Ma jirto ilaa iyo hadda Cid sheegatay inay ka dambeeyeen weerarkaasi lagu dilay askarta, hase yeeshee Kooxda Al-shabaab ayaa ka howlgasha degaamadaasi oo muddo 7 sanno dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah kula jirtay Ciidamadda Puntland.