Madaxweynaha dowladda Federaalka ah Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo hogaaminaya wafti ballaaran oo ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Gaashaandhiga, Gargaarka iyo ka Hortega Masiibooyinka, Wasiirka Caafiimaadka , wasiiro K/xigeenko iyo Wasiiru dowlayaalayaal ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed,
Madaxweynaha oo uu soo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Xasan iyo xubno ka tirsan gollihiisa Wasiiradda ayaa sheegay in dowladda ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay, islamarkaana ay la isaga kaashan lahaa sidii wax looga qaban lahaa amniga dalka
Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Koonfur galbeed inay la shaqeeyaan ciidamada si looga dulqaado kooxaha dhibaateynaya shacabka, isagoo intaa ku daray in amniga uu ka midyahay tiirarka ay dowladdu qorsheyneyso inay wax badan ka qabato.
“Aan iska kaashano sidii wax looga qaban lahaa amniga, dowladdu waxaa ka go’an inay xoogga saarto arrimaha amniga, si gar gaar loo gaarsiiyo meelaha ay ka jirto abaaraha, waxaana aan diyaar u nahay inaan wax ka qabano abaaraha ka jirta dalka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo oo caawa u hoyday magaaladda Baydhabo ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Baydhabo waxa ay u kuurgeli doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, gaar ahaan dhanka beni’aadanimada iyo amniga.