Somaliland: Madaxweyne Geelaha Jabuuti Oo Si Taxadar Leh Uga Hadlay Koox Diimeedda Saadicuun Bilxaq Ee Hargeysa Lagu Xidhxidhay

Date:

Madaxweyne Geelle Oo Aan Wax Weyn Kasoo Qaadin Saamaynta Kooxdani Yeelan Karto

Madaxweynaha dalka aynu deriska nahay ee Djibouti Md.Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay urur-diimeedka la baxay Saadicuun Bilxaq oo dhawaanahan lagaga dhawaaqayey meelo badan oo ay Somaliland kamid tahay, isla markaana xubno kamid ah xabsiyada Hargeysa lagu guray.

Madaxweyne Geelle oo u warramay Telefishanka SAABTV, ayaa hoos u dhigay  shakiga uu kooxdan ka qabo, isaga oo xusay inay maqal uun isaga ku tahay, isla markaana ay kooxdaasi ku abtirsado kudladda Takfiiriga loo yaqaanno, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Annagu waxaas maanu maqal, baraha bulshada ayaana laga sheegay dad leh waxanu nahay kuwa aan sheegidda xaqa ka gabbanin, waana takfiiridii hore uun waxa ay ka farcamayaan.”

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay odhaahihii ay kooxdaasi ku cabirtay hab-dhaqankooda iyo rabitaankooda mustaqbal, waxana uu xusay in saxaafadda looga baahan yahay inay baadhitaan dheeri ah ka sameeyaan, “Nimankaasi waxa leeyihiin dagaal ma gelayno, urur siyaasadeedna ma doonayno inaanu noqono, ninka noogu yidhina waa 50-jir bay leeyihiine fasira idinkaa saxaafaddii ahe anagu meel ay ka yimaadeen ma garanaynee,” ayuu yidhi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kooxda Saadicuuna Bilxaq ayaa dhawaan magaalooyinka Hargeysa, Garoowe iyo Muqdisho kaga dhawaaqay jiritaankooda, waxana ay taasi keentay inay xukuumadda Somaliland tallaabo degdeg ah qaado, isla markaana xabsiga ku gurto xubno kooxdaas kamid ahaa, balse weli dhinaca dalka Djibouti lagama hayo wax dhawaaq ah oo jiritaanka kooxdan muujinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...