Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Md Eng.Xuseen Cabdi Ducaale ayaa saaka mudanayaasha golaha wakiiladda Kulaha Hor Kufay Xeererka shiidaalka ,Xeerka dakhliga Shiidaalka iyo xeerka Macdanta oo Golaha wakiiladda horyaala .

Goor Dalku Marayo Xaaladi Ugu Liitay Haday Tahay Xaalada abaaraha Iyo Sixir Bararka Iyo Kala Jabnaanta Golaha Wasiirada Iyo Wax Qabdka Xukuumadda Siilaanyo Oo Marays Meelihi Ugu Liitay

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta oo ay weheliyaan Wasiirku xigeenka Wasaarada Maaliyada Md Cali dhagoole , Agaasimaha guud ee Wasaarada Tamarta iyo Macdan Md Siciid Axmed Jibriil ,agaasimaha Waaxda Macdanta ee Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Eng Cumar iyo Sharciyaqaanka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Mr Xasan Faarax ayaa hortagay golaha wakiilada fadhigoodii maanta oo taariikhdu tahay 16/4/2017.

Waxaanay halkaa wasiirka iyo masuuliyiintii lasocotay xildhibaanadu ku weydiiyeen su`aalo tiro badan oo ku tacaluqa xeerar qabyo qoraala oo kala ahaa xeerka qabyo qoraalka shidaalka , xeerka qabyo qoraalka dakhliga shidaalka iyo qabyo qoraalka xeerka macdanta kuwaas oo wasaarada Tamarta iyo Macdantu hore ugu soo gudbisay golaha wakiilada 2/4/2017 isagoo wasiirkunu dhankiisa si waafiya oo cilmiyeysan mid mid ugaga jawaabay su`aalihii mudanayaasha goalaha wakiiladu weydiiyeen ee ku saabsanaa xeerarka iyo hawlaha kale wasaaradda wado gaar ahaan sahaminta shiidaalka ee dalka ka socata ,iyagoo xildhibaanadu u muuqdeen inay ku qanceen jawaabaha wasiirka.

Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Md Eng.Xuseen Cabdi Ducaale  Ay waxa uu Gal-Gashaba xusay in xeerkan curintiisa ay la kaashadeen shirkadda caalamiya isla markaan dalku uu baahanyahay anisixinta xeerkan .

Xuseen Cabdi Ducaale waxa kale uu Xusay in laga taxadiray ilaalinta deegaanka isago carbka ku adkeeyay in dalka shiidaal ku jirro dhawaan la heli doono insha allah .

dhinaca kale waxay xildhibaanadu su`aalo weydiiyeen wasiirku xigeenka wasaarada maaaliyada md. Cali dhagoole iyagoo wax ka weydiiyey sida wasaaradii u maamulidoonto dakhliga shidaalka , wasiirku xigeenka ayaa isaguna dhinaciisa xildhibaanada si faahfaahsan ugaga jawaabay su`aalahII Xildhibaanada.

Ugu danbayntii Waxa Oo Gal-gashaba fadhigii maanta ee golaha Wakiilada oo uu shirgudoominayey mudane baashe maxamed faarax ayaa ku soo gebo geboobay Gal-Galasho Tii Ugu Xumayd