Somaliland: Cali Gurey Muxu Ka Yidhi Uurur Diimeedka Cusub Ee Saacidun Bil Xaq?

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey) oo katirsan xisbiga muxaaridka ah ee KULMIYE, ayaa si kooban uga hadlay muranka diineed iyo firqooyinka iska soo horjeeda ee waayadan dambe dhulka muslimiinta, gaar ahaan geyiga Soomaalidu degto kasoo cusboonaaday.

Siyaasi Cali oo qoraal kooban oo uu arrintan kaga hadlayo soo dhigay fartiisa Facebook-gga, ayaa tilmaamay in la gaadhay waqtigii ay muslimiinta sunniga ahi taladooda meel uga leexin lahaayeen kooxaha ujeeddadoodu tahay inay diinta macaash aduunyo ku helaan ee habowga u horseedaya umadda muslimiinta ah.

Cali-gurey waxa uu farta si gaar ah ugu fiiqay dadka dhuuni-raaca ah ee muuqaalka jidheed diinta ka dhigtay, waxana uu sheegay inaanay diintu ahayn in muuqa guud looga ekaado  caalim diineed, balse ay qalbiga tahay meesha acmaasha oo dhan xaqiiqonimadoodu ka muuqataa, waxana qoraalkiisu u dhignaa sidatan,

“Dunida Muslinka Suniga Ah waa la gaadhay xiligii ay ka talo-goosan lahaayeen kuwa fikirada Diin-ku-macaashka ah ay ku daawan lahaayeen dadka cilmi- gaabka ah ey luminayaan iyaga oo kaga faaiidaysanaya diin jacayikooda. Diintu khamiisyo cadcad maaha.”

Comments

comments