Liverpool Oo Guul Dahabi Ah Ka Soo Gaadhay West Brom, Roberto Firmino Oo Kulankii Labaad Oo Xidhiidh Ah Reds Sarre

Date:

Liverpool ayaa kooxda West Brom ku soo garaacday garooneeda waxaana guushan dahabiga ah Reds ku soo hogaamiyay Roberto Firmino. Liverpool ayaa dib ugu soo laabtay booska saddexaad ee miiska kala saraynta horyaalka Premier Leaque-ga waxayna booskan kala baxday Manchester City oo xalay sii gashay markii ay Southampton guusha ka soo gaadhay.

Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa in ay xaqiijisato boosaska Champions Leaque-ga loogu soo baxayo iyada oo xaalka ku sii adkaysanaysa kooxaha Arsenal iyo Manchester United. Liverpool oo soo ciyaartay 33 kulan ayaa yeelatay 66 dhibcood waxayna laba dhibcood ka saraysaa Man City oo 32 kulan ciyaartay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

West Brom: Foster, Dawson, McAuley, Evans, Brunt, Fletcher, Yacob, Chadli, Livermore, Phillips, Robson-Kanu.

Kaydka: Myhill, Nyom, Wilson, Morrison, Field, McClean, Rondon.

Liverpool: Mignolet, Clyne, Lovren, Matip, Lucas, Milner, Can, Wijnaldum, Coutinho, Firmino, Origi.

Kaydka:Karius, Gomez, Moreno, Woodburn, Alexander-Arnold, Grujic, Sturridge.

Liverpool ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo ku fikiraysay in ay dib ugu soo laabto kaalinta saddexaad ee miiska kala saraynta horyaalka Premier leaque-ga oo ay Manchester City sii gashay xalay kadib markii ay guul ka soo gaadhay kooxda Southampton. Reds ayaa si adag ugu dagaalamaysa in ay xili ciyaareedka soo socda ka ciyaarto Champins Leaque-ga.

Inta badan qaybtii hore ee kulankan ayaa ahayd mid ay labada kooxood isku mari waayeen waxayna Liverpool ahayd kooxda inta badan raadinaysay goolka furitaanka balse West Brom ayaa si adag u difaacanaysay. Inkasta oo ay Liverpool awood u wayday in ay si deg deg ah ku jabin karto difaaca adkaa ee kooxda Tony Pulis, haddana kamay daalin in ay riixdo oo ay raadiso goolka furitaanka.

West Brom ayaan qaybtii hore ee kulankan awood fiican u helin in ay weeraro badan oo halis ah ay ku qaado Liverpool taas oo kooxda Klopp u ahayd wax fiican si ay shabaqa kooxdeeda marka hore u ilaalin karto. Waxaa jiray fursado badan oo ay Reds u abuurtay in ay hesho goolka furitaanka balse dhamaadkii qaybta hore waxaaba laga fikirayay in gool la’an lagu kala baxayo.

DAQIIQADII 45+1 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Ugu danbayn Liverpool ayaa dhamaadkii qaybtii hore ee kulankan jabisay difaacashadii adkayd ee West Brom waxaana goolkan u saxiixay  Roberto Firmino oo ka faa’iidaystay kubbad uu James Milner laaga xorta ah ku soo tuuray isla markaana uu Lucas qayb caawineed ku lahaa waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 11 aad ee uu  Roberto Firmino xili ciyaareedkan ka dhaliyay horyaalka Premier leaque-ga wuxuuna dhaafay gool dhalintii xili ciyaareedkii hore ee uu kooxdiisa Liverpool u soo dhaliyay oo ahayd 11 gool wuxuuna Reds ka caawiyay in ka hor waqtigii nasashada ay hogaanka ciyaarta qabtaan waxaana lagu kala nastay 1:0 ay kooxda Klopp hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay Liverpool ayaa isku dayaysay in ay si xoogan ku raadiso goolka labaad ee kalsoonida si ayna West Brom ugu fikirin goolka barbaraha balse wali ciyaarta ayaa ahayd mid gaabis ah oo aan xamaasad wayn lahayn. Daqiiqadii 57 aad James Milner ayaa helay fursad aad u wayn oo uu ku dhalin karay goolka labaad ee Reds laakiin fursad uu Firmino ka helay ayuu bartilmaameedkeeda la seegay.

Liverpool ayaa noqotay kooxda laga filan karayay goolka labaad waxayna markan bilaabeen in ay si fiican jaanta iyo jiibta iskula helaan waxayna Reds abuuraysay fursad ay ciyaarta ku dili kartay balse tababare Tony Pulis ayaa go’aansaday in uu saddexdiisa badal ku raadiso in uu natiijada ciyaarta ku badalo wuxuuna daqiiqadii 61-64 aad uu ciyaarta ka wada saaray  Claudio  Yacob,  Hal Robson-KanuJosé  iyo Nacer Chadli wuxuuna kaydka uga yeedhay James Morrison,  Salomón Rondón iyo James McClean.

DAQIIQADII 82 aad Klopp ayaa ugu danbayn shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Divock Okoth Origi isaga oo dhamaadkii ciyaarta kaydka ka soo kiciyay Daniel Sturridge laakiin markan West Brom ayaa aweedeeda iskugu gaysay sidii ay kula iman lahayd goolka barbaraha iyada oo Rondon uu Mignolet ku qasbay in uu sameeyo badbaadin cajiib ah.

DAQIIQADII 90+3 AAD Liverpool ayaa heshay fursada ay kula iman kartay goolka labaad oo cadaan ah kadib markii uu goolhayaha West Brom ee Foster uu  weerarka soo galay isla markaana ay Liverpool ku guulaystay in ay weerar deg deg ah ku qaado goolka oo madhan laakiin darbo uu Alberto Moreno oo dhamaadkii ciyaarta soo galay uu goolka oo madhan ku tuuray ayaa wax yar u maray!!!!!!!!.

Ugu danbayn Liverpool ayaa awooday in ay soo guulaysto isla markaana soo hesho saddex dhibcood oo xili ciyaareedkeeda muhiimad wayn ku leh waxayna 1:0 ku soo garaacday West Brom oo dhamaadkii ciyaarta si adag ugu dagaalantay in ay babraro raadiso. Guushan ayaa Liverpool ka caawisay in ay kaalinta saddexaad ku soo laabto waxayna booska afraad iskaga riixday Man City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...