Arsene Wenger: Waa Soo Dhamaatay Waqtigii Caruur Looga Badin Jiray Kooxaha Heerka Labaad Tartanka FA Cup.

Date:

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa soo jeediyay inay soo dhamaatay waqtigii ay kooxaha Premier League ku gudbi jireen caruur yaryar marka ay koobka FA Cup ka horimaanayaan kooxaha heerka hoose.

Tababaraha Gunners ayaa sheegay inuu soo safi doona kulanka maanta ee wareega afaraad ee FA Cup ee ay la ciyaarayaan kooxda heerka labaad ee Burnley ciyaartoy qibrad leh, mana doonayo in laga badiyo kulankii labaad oo isku xiga ka dib guuldaradii Chelsea.

Wenger ayaa ahaa maskaxdii ka danbeysay in Arsenal ay hanato labo jeer oo isku xigta koobka FA Cup labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, iyagoo sannadkii hore ka qaaday kooxda Aston Villa, laakiin waxa ay guuldarro 3-0 ka soo gaartay Sheffield Wednesday koobka Capital One Cup bishii October.

 

“Waxaan ku ciyaari doonaa koox qibrad leh” ayuu Wenger u sheegay suxufiyiinta. “Marka ugu horeysa, waxa ay axadii hore guuldarro naga soo gaartay Chelsea, waana muhim inaysan heerka kalsoonideena si weyn hoos ugu dhicin.

“Waxaan baranay wax badan xilli ciyaareedkan, waxaan aadnay Sheffield Wednesday koobka League Cup, waxaana na soo gaartay guuldarro xoogan” ayuu hadalkiisa raaciyay. “Waa inaan soo bandhigno inaan cashar ka baranay taas.

“Tan labaad, waxaan dooneynaa inaan shaqo fiican ka qabano FA Cup, mana dooneysid inaad fursad is dhaafiso marka aad gurigaaga kula ciyaareyso koox heerka labaad ah, waana soo dhamaatay waqtigii caruur looga badin jiray kooxaha heerka labaad.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...