Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United Vs Chelsea- Goolhaye Courtions Oo Kulankan Seegay Iyo Mourinho Oo Ibrahimovic Kaydka Dhigay.

Tababare Jose Mourinho ayaa shaxdiisa dib ugu soo celiyay goolhaye David De Gea oo seegay kulankii Sunderland ee Premier leaque-ga iyo kulanki Europa Leaque-ga waxaana difaaca ku soo wada bilawday Valencia, Bailly, Rojo iyo Darmian waxaana khadka dhexe ku soo wada bilawday  Fellaini, Herrera iyo Pogba, waxaana safka weerarka hogaaminaya Marcus Rashfrod oo caawin ka heli doona Young iyo Lingard.

Laakiin warka ugu wayn ayaa ah in Jose Mourinho kursiga kaydka dhigay Ibrahimovic, Mkhitaryan iyo Carrick waxaana sidoo kale kaydka ku jira Blind iyo Luka Shaw.

Dhinaca Chelsea waxaa Antonio Conte qasab ku noqotay in uu isbadal shaxdiisa ku sameeyo waxaana kulankan seegay goolhaye Courtios waxaan badalay Asmir Begovic balse sida kale ma jiro wax isbadla ah oo uu Conte ku sameeyay shaxdisiii uu xili ciyaareedkan guulaha badan ku soo gaadhay.

MAN UNITED: De Gea, Valencia, Bailly, Rojo, Darmian, Fellaini, Herrera, Pogba, Young, Lingard, Rashford

KAYDKA:Romero, Blind, Fosu-Mensah, Shaw, Carrick, Mkhitaryan, Ibrahimovic

CHELSEA: Begovic; Azpilicueta, David Luiz, Cahill; Moses, Kante, Matic, Alonso; Pedro, Hazard, Costa

KAYDKA:  Eduardo, Zouma, Terry, Loftus-Cheek, Fabregas, Willian, Batshuayi

Comments

comments