Shirkan Ayaa Daba Socdey Shirar Saddex Ahaa Oo Ka Kala Dhacay Addis Ababa Iyo Jabuuti Kuwaasoo Isfaham Guud Lagu Gaadhay
AKHRI: Natiijada Uu Kulanku Kusoo Dhammaaday+Weftiga Xukuumadda Oo U Gudbay Magaallada Laascaannood+ Cali Khaliif Iyo Weftigiisii Oo Ka Carraabay Caynabo
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Saraar Ayaa Sheegay In Uu Magaallada Caynabo Uu shir ugu soo gebogaboobay Wefti kasocdaxukuumada Somaliland iyo Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo halkaasi soo gaadhay habeen hore fiidkii. Weftiga Somaliland oo uu horkacayo wasiirka Madaxtooyadu Maxamuud Xaashi Cabdi, ayna ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Wasiirudawlaha Waxbarashada Somaliland, iyo jananka guud ee ciidamada qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa kulan saacadoqaatay waxaa ay halkaas ku wada yeesheen Prof. Cali Khaliif Galaydh, iyo xubno ka tirsan Khaatumo oo socdaalkiisa ku wehelinayay. Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo yeedhay labada dhinac, hase yeeshee warar hoose oo HUBAAL soo gaadhay waxaa ay tibaaxeen in ay labada dhinac halkaas kaga wada hadleen sidii loo meelmarin lahaa qaybo ka mid ah go’aamadii shirkii labada dhinac ee Jabuuti, gaar ahaanna kuwa khuseeya nabadaynta, amaanka iyo kaalmada abaaraha. Markii uu shirku dhammaaday ayaa warku sheegayaa in Cali Khaliif iyo xubnihii uu horkacayay ay dib uga ambo baxeen Caynabo iyaga oo xalayba ku hoyday degmada widh-widh. Ilaa iyo haatan lama hayo wax war ah oo rasmi ah oo kulankaasi ka soo yeedhay, haseyeeshee waxaa dadka kU dhowdhow shirkaasi sheegayaan inuu u badnaa dardar gelinta laba qodob oo kala ah: Nabadaynta iyo waddo u jeexidda kulamada dambe ee labada dhinac yeelan doonaan. Shirkan ayaa daba socdey shirar saddex (3) ahaa oo ka kala dhacay Addisabeba iyo Jabuuti kuwaasoo heshiisyo hordhac iyo isfaham guud lagu gaadhay. Wefdiga Somaliland ee shirka ka qaybgalay ayaa la filaya iyagu shalay u gudbay dhinaca magaalada Laascaanood si ay hawsha nabadaynta Koofurta Laascaanood uga hawl galaan. Waxaa degmada kaga sii horeeya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Yaasiin Faratoon. Dadweyne iyo waxgarad kala duwan oo jooga Laascaanood ayaa muujiyey sida ay u soo dhoweynayaan dadaalka Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumoba hadda ka bilaabeen sidii loo xasilin lahaa xiisadaha kala duwan ee ka taagana degaanadaas.